Muqdisho | QOL | May 31, 2017 —— Idamada Maamulka Puntland ayaa Gacanta ku dhigay Gaari waxyaabaha qarxa sidda oo ladoonayey in lagaliyo gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Puntland.
Ciidamada ayaa soo bandhigay Gaarigan oo sidda waxyaabaha qarxa, waxaana laga badbaadiyey Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.
Sidaas oo kale waxaa gacanta lagu hayaa wadihii baabuurkan iyo shaqsiyaad la socday oo ay hadda baaris ku wadaan Ciimada.
Lix sanduukh oo lamid ah sanduukhyadii qaraxyada dhawaan la qaban jiray lagu wadey oo lagu diyaariyey qaraxyo, dusha saarana laga saaran bambooyin, taarikooyin gaadiid ,isgaarsiin casri oo noocaya ay ciidamadu isticmaalaan ah iyo agabyo kale ayey isugu jireen qaraxyada la qabtay,waxaana laga qabtay kantaroolka weyn ee magaalada Boosaaso.
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________