Muqdisho | QOL | May 24, 2017 – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta la wareegay qalab Booliska loogu deeqay oo ka yimid Dowladda Japan oo ka mid ah Dowladaha taageera ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Qalabkaan oo isugu jira gaadiidka Ciidanka ay isticmaalaan iyo Mootooyinka iyo qalab kale, waxaa la wareegay Taliyaha Ciidamada Booliska General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Wasiir ku xigeenka amniga.
Taliyaha Booliska ayaa sheegay qalabkaan inuu muhiim u yahay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, maadaama ay u baahan yihiin, sidoo kalena wax weyn ay ka tari doonaan shaqada ciidanka Booliska.
Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo ka hadlay halkii qalabkaan Ciidanka ay kula wareegeen, ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay ka mahadcelinayso tallaabada Dowladda Japan qalabkaan ay ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliya.
,
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________