uqdisho | QOL | May 22, 2017 –—Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si aad ula dagaashay Musuq Musaaqii jiray waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in gebi ahaanba lasoo afjaro Musuqmaasuq iyo maamul xumo dowladeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay Wasaaradda xooga saartay uu yahay la dagaalka Musuqmaasuqa asagoo xusay musuqmaasuqa in uusan ahayn kaliya lunsasho lacageed oo ay ku jiraan musuqmaasuq la xiriira Maamul Xumo Dowladeed.
Wasiirka ayaa sheegay in ay xooga saareen isla markaana dadaal badan ku bixyeen sidii ciidamadda Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah u heli lahaayeen Mushaaraadkooda iyo xuquuqda kale ee ay dowladda ku leeyihiin.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________