Muqdisho | QOL | May 21, 2017 –—Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa sheegaya in Xalay uu ku degay Meel u dhow Xeebta Magaalada Hobyo Sactar u Rarnaa Ganacsato Reer Galmudug ah.
Sactarka ayaa Siday Qalab dhisme oo ah Dhisme loogu talo galay Wadada u dhaxeysa Hobyo iyo Gaalkacyo.
Waxaa la sheegay in Sactarka uu ka ambabaxay Dekedda Magaalada Muqdisho islamarkaana uu Qalabka u waday Dekedda Hobyo,balse meel u dhow Dekedda Hobyo uu ku degay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa noo Xaqiijiyay in la badbaadiyay Dadkii la socday Sactarka Degey,balse Qalabkii uu Quusay,waxaana Qalabka ku jiray Cagaf-Cagafyo.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________