Muqdisho | QOL | May 17, 2017 –Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa idaacadda Q.O.L waramay Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo maanta ku qarxay degmadaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Gaariga oo ay wateen labo wiil in ay ka shakiyeen Ciidamada Ammaanka.
HALKAN KA DHAGAYSO
Sidoo kale waxaa uu sheegay in gaarigaasi uu qarxay Markii Ciidamada Ammaanka ay qabteen ,islamarkaana ay waxyeelo soo gaartay Askar ka tirsan Ciidamada dowladda .
Ciidamada Ammaanka ayaa qabtay nimankii waday Gaariga waxaana toogasho lagu dilay mid ka mid ah midkii kalena uu baxsaday.
Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Degmada Wadajir.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________