Muqdisho | QOL | May 15, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa magacaabay Agaasime ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada, kaas oo ka mid noqonaya Agaasime ku xigeenada Madaxtooyada.
Agaasime ku xigeenka xilka loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa C/laahi Aadan Kulane, inkastoo aan si rasmi ah u helin qeybta uu qaabilsanaan doono, hadana Madaxtooyada ayaa xilliyadii hore laheyd Labo agaasime ku xigeen.
Magacaabista Agaasime ku xigeenka labaad ee Madaxtooyada, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo beryahan ay jirtay xurguf u dhaxeysay Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime ku xigeenka C/risaaq Shoole.
Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la wareegay xafiiska waxaa is bedel lagu sameynayay hanaanka maamul ee Madaxtooyada, iyadoo la wada bedelay dhammaan wixii maamulka Madaxtooyada hayay kana haray Dowladdii hore ee Xasan Sheekh.
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________