3372 Views

Shirkadda DP Word Oo Maanta La Wareegeysa Dekeda Berbera

Shirkadda DP Word Oo Maanta La Wareegeysa Dekeda Berbera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 –  Madaxda Maamulka soomaaliland ayaa maanta si rasmi dekeda magaalada Berbera ugu wareejinaya shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carbta, taasi oo horey soomaaliland heshiish kala gashay arrinta dekeda Berbera.

Waxaa lagu wadaa in munaasabadda lagu wareejinayo Dekedaasi maanta lagu qabto magaalada Berbera, waxaana ka qeyb galayo Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo, masuuliyiin ka socota Shirkadda DP World iyo Madax kale.

Maamulka soomaaliland ayaa dhawaan heshiis lagu wareejinyo Dekeda Berbera la galay Shirkadda DP World, kaasi oo ay meel mariyeen dood dheer, kadib golaha wakiilada maamulkaasi.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment