Muqdisho | QOL | May 11, 2017 – Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa uu ku toogtay Qof shacab ah, sida uu inoo sheegay qof goobjooge ah oo halkaasi ku sugnaa
Dilkan ayaa yimid kadib markii Askriga loo diray in u soo xero Qofka shacabka ah, arrintaasina uu ka biyo diiday Marxuumka la dilay, taasina ay sababtay in Askriga uu bartiisa ku toogto Qofkii shacabka ahaa.
Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Horseed gaar ahaan Laanta Faanoole ee Magaalada Jowhar xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Falkan ayaa waxaa ka carooday dadka shacabka ah, iyagoo oo wada Marxuumka la dilay ayay Banaanbax ka hor dhigeen Afaafka hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle.
Waxa ay sheegeen muhiim in ay tahay in cadaaladda la horkeeno Askriga gacan ku dhiiglaha ah ee dilka geystay, si loogu qaado dambigii uu galay.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa arrintan soo fara geliyay, iyaga oo shacabka ku qanciyay in ay wax ka qabanayaan falkan, waxayna durbadiiba soo xireen Askarigii falkaasi geystay.
Marxuumka Geeriyooday ayaa lagu wadaa in lagu Aaso xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar.
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________