2769 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dib U Heshiisiin Ay U Qabanayaan Dadka Ku Nool Degmada Afgooye

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Dib U Heshiisiin Ay U Qabanayaan Dadka Ku Nool Degmada Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  08, 2017 —Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas.

Madaxweynaha ayaa dhageystay tabashooyinkii iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso waxyaabaha ay tabanayaan.

“Marka aan hadalkiinna dhageystay waxaa iisoo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahantahay, waana dib u heshiisiin, dib u dhis iyo dib u xoreyn.”

“Saddexdaas waxaa aas aas u ah caddaaladda. Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada qalabka sida waxay kusoo shaqeeyeen mushaar la’aan iyo daryeel la’aan haysata naftooda iyo tan qoysaskooda. Iyada oo ay waxyaabahaasi jiraan ayay haddana hortaagnaayeen, walina hortaaganyihiin Al Shabaab.”

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay degamada Afgooye waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Axmed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaannadaas iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment