Muqdisho | QOL | May 06, 2017 —Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NOSOJ ayaa si weyn cambaareeyay Wariye shalay lagu xiray Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
War Qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu sheegay in ururku ay si weyn uga xun yihiin xariga loo geystay Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howgalayay Magaalada Jowhar, kana shaqeynaayay Tv-ga Universal.
” Waxaan weydiisanaynaa maamulka Hirshabeelle in ay siidaayaan wariyaha si shuruud la’aan ah , waxaan ka codsanaynaa in ay xushmeeyaan warbaahinta” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha ururka NOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Maamulka Hirshabeelle ayaa xiray Tv-ga Universal xaruntiisa Magaalada Jowhar.
Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa sheegay in Wariyaha iyo sidoo kale Tv-ga lagu xiray Warar been abuur ah.
Warkaasi ayaa ku saabsanaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb gali doonin Shirka London ee Arimaha Soomaaliya looga hadlaayo.
Mahad Xasan Cusmaan waxa uu sheegay warkaasi in Shacabka uu dhibsaday dhagahooda, isaga oo shacabka ugu bishaareeyay in Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble uu ka qeyb gali doono Shirka London ka furmaya.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________