Muqdisho | QOL | Abriil 29, 2017-Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya MudaneXasan Cali kheyre ayaa ugu horayn kormeer ku tagey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare xiligaasi oo ay ka socotay shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxanaa uu warbxino ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda.
Cabdirahamaan Daahir Cismaan Wasirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare aya Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in Wasaaraddu ay diyaarinayso qabashadda imtixaanka midaysan ee sanadkan oo la qorsheeyey in ay galan 23 kun oo ardey ah, siyaasadda waxbarashada qorshaha horumarinta waxbarashada ee shanta sane ee soo socota iyo hagaajinta Maamulka Guud ee Wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in horumarinta Waxbarashada dalka ay tahay ahmiyadda ugu wayn e lagu gaari karo in dalkeenu uu gaaro halka uu hiigsanayo oo ah horumar .
Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale kormeeray Wasaaradaha Beeraha ganacsiga iyo Xanaanada Xoolaha oo degan hal xarun, waxa uuna dhamaan maamulada Wasaarada uu ka djhageystay hanaanka ay u shaqeyaan iyo qorshooyinka Wasaraadaha, isagoo dhiiri geliyey shaqaalaha Wasaaradaha uu ugu tegay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa cadeeyey in dowladdu ay bixineyso xaquuqda shaqaalaha balse aysan aqbali doonin in shaqalahu si wanaasan u gudan wajibaadkoodu , waxa uuna ku amray Wasaaradda beeraha in 12 shaqale ah oo an imaan shaqada bilaa cududaar la’an shaqada laga ruqseeyo, booskooduna looga faa’iidaysan doono muwaadiniin kale oo diyaar u ah inay si wanaagsan dowladda ugu adeego.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa isla maanta kormeer ku tagey xarunta Cilmiga, Fanka iyo Suuganta, isagoo xusay in xaruntaasi ay door weyn ku leedahay tayeynta Waxbarashada iyo horumarinta Dhaqanka.
Ka miro dhalinta qorsha howleed wanaagsan waxa saldhig u ah korjoogteyn iyo isla xisaabtan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka oo aragtidaa ka duulaya ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kormeer howleed ku tegaa xarumaha hay’adaha dowladda, si looga warqabo howlwadeenada xarumaha uu kormeerayo sida ay bulshada ugu adeegayaan.
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________