Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Warar aanu ka heleyno deegaanka Degmada Dayniile ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre uu booqaasho aan la shaacin ku joogo degmada Dayniile.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa hoggaaminayo wafdi isugu jiro Xildhibaano, Wasiiro iyo Madaxda Gobolka Banaadir.
Waxaa hadda wafdiga Ra’isulwasaaraha kulan xasaasi ah la leeyihiin Madaxda Degmada, waxaana ugu muhiimsan waxyaabaha laga hadlayo sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo qaar ka tirsan taliyayaasha Ciidamada.
Ra’isulwasaaraha ayaa booqday qeybo badan oo ka mid ah Degmada Dayniile, waxaana ugu dambeyntii hadda Xaflad heer sare loogu qabtay Hotel Tropical Village, welina way socotaa xafladaas, wixii kusoo kordhana waan idinla soo socod siin doonaa Inshaa Allah.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________