Muqdisho | Abriil 21, 2017 – Wasiirka Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, saraakiisha ciidanka booliska, Nabad sugidda iyo guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee gobolka ayaa ka qeyb galay kulan lagu qabtay xarunta degmada Heliwaa, kaasi oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo sidii Bulshada Soomaaliyeed loogu wacyi gelin lahaa ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.
Guddoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta degmada Heliwaa lagu qabto shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana uu xusay in tani ay muujineyso horumarka amni ee ka jirta degmada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ku bogaadiyay waxyaabihii uu degmada ka qabtay muddada yareyd ee uu joogay, waxaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono maamulka degmada.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada amniga looga baahanyahay inay xoojiyaan Nabad gelyada, isla markaana ay ka hortagaan cidkasta oo dhibaateyneysa shacabka, waxaana uu intaa raaciyay inay xoogga saari doonaan degmooyinka daafaha ku yaala si amniga caasimadda loo xajiijiyo.
Shirkaan ayaa ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee degmada Heliwaa, waxaana shirka kaddib Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Amniga iyo wafdigii la socday ay kormeer ku tageen dhoor goobood oo ka tirsan Degmada sida Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo meelo kale oo aad ufarabadan.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________