Muqdisho | April 19, 2017 – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa markii ugu horeysay Booqasho howleyd ku tagay Dagmada ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Dayniile.
Gudomiyaha ayaa waxaa ku wehliyey booshadiisa Xubno ka tirsan labada aqal wasiiro taliyaha ciidanka Booliceka saraaskiil ciidan siyaasiyin ooyaasha dhaqanka aqoon yahano dhalinyaro haween iyo waxgaradka kale oo Munaasibada lagu casuumay .
Gudoomiye taabid ayaa dagmada iyo ispitalka daynile si heer sare ah loogu soo dhaweeyey waxaana sidoo kale soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay kooxda barbaarta gaashaaman fanaaniin uu hogaaminayey Nimcaan hilaac iyo dadweyne aad u fara badan .
Dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadashay ayaa dadka deeganka u soo jeediyey mhadcelin balaaran waxayna ku dhawaaqeen balanqaadyo kala duwan
Munaasibada oo ka dhacday hotel tropical oo ku yaal dagmada dayniile ayaa Wafdigawaxay warbixin ka dhageystay Gudoomiyaha dagmada dayniile Axmed nuur Cabdi Siyaad.
Taliayaha Ciidanka Bolice janaraal saacid ayaa dhalinyarada ku booriyey in ay ku biiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu booliska u qaaday doono ila 100 dhalinyaro ah dhawaan .
Cabdicxasiis Xildhibaan oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa ispitalka dayniile u balan qaaday in uu ku biiri doono ilaa 50 sariir
Wasiirka amniga ayaa booqashadiisa ka sheegay in amnigu yahay in laga baqo balse uusan marnaba isagu baqeyn wuxuuna balan qaaday in uu socon doono meel kasta iyo waqti kasta .
Dagmada dayniile ayaa Noqoneysa damadii uu howshiisa ka bilaabay gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo looga fadhiiyo waxqabad dhab ah isla markaana la taaban karo.
.
.
.
_________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________