Muqdisho | April 18, 2017–Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney Tababar iyo qalabayn u samaynayso Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Masuul ka tirsan Dowladda Maraykanka oo u waramay TV-ga CNN ayaa sheegay iney Tababar siinayaan Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya isla markaane ay ku taageerayaan Qalab Milateri si ay awood ugu yeeshaan la dagaalanka Kooxda Al-shabaab.
Maraykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo iyo Saraakiil dhanka Farsamada iyo Tababarada ka caawiya Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________