Kismaayo | April 3, 2017 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Adam Jimcaale Koofi ayaa manta magaalada Kismaayo kula wareegay Gawaari luugu talagalay in lagu ilaaliyo Xaduudaha Dalka.
Gawaridaan ayaa ah kuwo Casri ah oo intooda badan hada laga isticmaalo dalalka Horumaray waxaana ay gawaaridaan sheegayaan in la ogaado hadii dad aan soo marin xarumaha laga ilaaliyo Xaduuda ay isku dayaan in ay gudban Xaduudaha waxaana ay gawaaridaan sahlayaan in si deg deg ah loo ogaado dadka sharcidarada ku gudbaaya Xaduuda iyo tirada ay yihiin isla markaana xaawaaraha gawaaridaan si dhaqso ah loogu tagi karo.
Hay’adda IOM ayaa ugu deeqday Hay’adda Socdaalaka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaana manta wixii ka dambeeya meesha ka baxday in si fudud lagu soo galo ama looga baxo xaduudaha dalka Soomaliya oo mudo 26 sano ah dayacnaa.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________