2508 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Iyo  Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kale Duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Iyo  Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kale Duwan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 1, 2017 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyagoo ka wada hadlay Arrima Quseeya Xuduudaha iyo federaalka  iyo Wada shaqeynta Maamulka iyo Guddiga.

Xubnaha Kulanka Madaxweynaha La qaatay ayaa waxaa hor kacayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin Maxamed waxaana ay ka wada  hadleen Tabasho maamulka Hirshabeelle uu Qabay, iyagoo ka turxaan bixiyay misana ka qanciyay, waxaana sidoo ay kala hadleen shir Dhowaan magaalada Muqdisho ka dhacaya oo looga hadlayo Arrimaha Xuduudaha iyo Doorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Khaliif C/kariin Maxamed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa sheegay in u jeedada kulankaan uu ahaa  in la dhageysto talooyinka Hirshabeelle  iyo Hay’adaha Quseeya Arimaha Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee Xuduudaha iyo Federaalka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Ku faraxsanyihiin La Kulanka Madaxweynaha Hirshabeelle Dr  Cali Cabdullaahi Cosoble iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin La shaqeynta Maamulka ayna dhowaan booqan doonaan deegaanada Hirshabeelle Gaar ahaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa guddiga u balanqaaday wada shaqeyn buuxda, waxaana dhinaca kale uu Ku dheeraaday ka sheekeynta Xadka Gobolka Banaadir uu La Wadaago Hirshabeelle iyo sida muhiimka ay u tahay Ku dhaqanka xadkaasi, iyo in ay wada shaqeeyaan Wasaaradda Shaqo wadaaga ay yihiin ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabeelle.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle uu La qaatay Guddiga Xuduudaha Iyo Federaalka ayaa waxaa goob joogo ka ahaa Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada Sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Hirshabelle. Waxaana uu ku soo dhamaaday Jawi Isfahan ah.

.

.

_

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment