Muqdisho | QOL | Maarso 24, 2017 – Wararka naga soo gaarayo degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegayaan in tuulooyin hoostaga degmadaasi uu ka curtay roobka guga.
Dadka kusugan dagamada mahadaay ee goblka shabeelada dhexe ayaa ku soo waramay in deegaannada uu roobka guga ka curtay ay ka midyihiin Ceel baraf, Miir-taqwa iyo kuwa kale sida uu Warbaahinta u xaqiiyay guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax.
Dadka ku nool deegaannada uu roobka Guga ka curtay ayaa ahaa kuwa ay heysatay biyo la’aan, isla markaana u baahnaa Raxmadda Alle, kaddib markii ceelkii ay biyaha ka cabi jireen ay duugeen Al-Shabaab halka kuwa qaarna ay sun kaga shubeen.
Dadka iyo duunyada ayaa ku diirsaday roobka Guga ee ka curtay deegaanno hoostaga degmada Mahadaay.
.
.
W/Q :BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________