Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu afduubtey xeebaha Puntland, Soomaaliya, wararku waxa ay sheegayaan in lala aaday dhankaasi iyo Raas Caseyr.
Ragga afduubka geystey ayaa ku joogay labo doonyood oo kuwa dheereeya ah, waxana ay ka koobnaayeen illaa 8 qof.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegey in ay xaalada qiimeynayaan.
Afduubka maraakiibta ayaa aad hoos ugu dhacay kadib hawlgalo laga sameeyey badweynta Hindiya.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________