Muqdisho 15 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay 14 Feberaayo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.
Madaxa Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Mudane Ralph Timmermann oo uu wehliyay Safiir K/Xigeenka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Markus Bollmohr ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan idin xusuusinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka inuu ahaa mid aad u wanaagsan oo ku dhisanaa iskaashi iyo wax wada qabsi. Waxaan ka dooneynaa Dowladda Jarmalka in ay dhankeeda qeyb weyn ka geysato sidii dalkayaga uu usoo kaban lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay wafdigan ka socday dowladda Jarmalka abaaraha aadka u daran ee saameeyay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in ay dowladdooda gaarsiin doonaan dhambaalka Madaxweynaha, ayna ka qeyb qaadan doonaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.
Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Masar oo dhambaal hambalyo ah uga siday Madaxweynaha dalkaasi Mudane Cabdulfataax Al Sisi. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada ay diyaarka ula tahay mar walba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
.
.
Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________