Muqdisho, November 30, 2016: Cumar C/rashiid, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku amray Ciidamada NISA inay faraha kala baxaan ama y joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobolada dalka Soomaaliya.
Amarkaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa loo kala diray, Guddiga doorashada dadban, laamaha amaanka iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu wargeliyay ciidamada NISA inay faraha kala baxaan arrimaha doorashada, isagoo ku eedeeyay xiritaanka oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ta.
Qoraalkan oo soo baxay maalintii shalay oo ku taariikheysneyd 29 Bisha November ayaa lagu faray Guddiga amniga doorashooyinka in la ilaaliyo habsami u socodka howlaha doorashooyinka, lagana daayo qaska hoose.
Hoose ka Aqriso Warqada
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________