Muqdisho, October 4, 2016: Duubabka Dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ku Heshiiyay in Doorashada Aqalka Sare Ee Baarlamaanka ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ,iyadoo waqti yar uun ka Harsantahay Xilligii loogu Talagalay In la Qabto Doorashooyinka La Filaayo In ay Ka dhacaan Dalka.
Markii ay Shir-wadatashi ah la yeesheen 25-kii sebtember 2016 guddiga Federalka iyo Hirgalinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddiga Dowlad Goboleedka iyo Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) Kadib Falanqeyn iyo dood Markii ay yeesheen Duubabka Dhaqanka ee ka soo Jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxeyna isku Afgarteen in Doorashada iyo Xulista Baarlamaanka oo ka Dhicilaheyd Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe In loo soo wareejiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka,di ay u Sahlanaato Habsami u Xulidda Xildhibaanada Cusub Waqtigii loogu Talagalay.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________