Gaalkacyo | QOL | September 20, 2016 – Maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta soo bandhigay aqoonsiga gaadiidka dadweynaha ‘Taariko’ oo ay uu talagaleen in lagu diiwaan geliyogaadiidka kala duwan ee ka shaqeeya deegaannada hoostaga maamulka Galmudug.
Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee Maamulka Galmudug ayaa maanta ku guuleysatay in ay soo bandhigto Taarikada cusub ay yeelanayaan maamulkaasi.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max’ed Xaashi Cabdi Carrabey oo ka hadlayay Munaasibaddii maanta ee ka dhacday degmada Cadaado laguna soo bandhigayay Taarikooyinka cusub ayaa sheegay in Gaadiidleyda ay heystaan muddo 10 Maalmood ah inay isku diiwaan geliyaan qaataana astaanta aqoonsiga gaadiidka ka howlgala lagana leeyahay deegaanada hoostaga maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in 10kaas maalmood Gaadiidleyda ku qaadan waaya astaanta ‘Taarikada’ lala tiiksan doono sharciga u degsan wasaarada gaadiidka ee maamulka Galmudug.
.
.
.
_______________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________