Muqdisho, August 14, 2016: Booliska AMISOM ayaa sheegay inay kala shaqeyn doonaan Booliska Soomaaliya sugida amniga dalka xilliga doorashooyinka in kastoo an la ogayn in Xamar kaliya ay tahay iyo in kale.
Christine Alalo Kuxigeenka Booliska AMISOM, ayaa sheegay in si adag u sugayaan amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.
“Annagoo kaashaneyna Booliska Soomaaliyeed waxaa wada-jir uga wada shaqeyn doonaa sugida amniga goobaha doorashooyinka”ayuu yiri Kuxigeenka Booliska AMISOM.
Christine Alalo waxaa uu xusay in ciidanka booliska AMISOM ay u tababaran yihiin ka hor-tagga falalka amni darro, iyo hadii ay dhacaan qalalaaso.
Bishaar Cabdi Geeddi, taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa asna sheegay in ciidamo gaar ah loo diyaariyay sugida amniga doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.
Doorashooyinka dalka dhacaya bisha October ayaa waxaa la sheegay inay ka jiraan wal wal xaga ammaanka, iyadoo laga cabsi qabo weeraro ay Al-Shabaab ku qaado meelaha ay doorashada ka dhacayaan, taas oo loo baahanyahay in aad indhaha loogu hayo.
———————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________