Muqdisho, August 6, 2016: Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ballaran oo ay dhigayaan haweenka soomaaliyeed kasoo ay ka qeyb galaya xumnaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaana kuwa matalaya haweenka soomaaliyeed.
Ujeedka banaanbaxaan ayaa lagu sheegay mid haweenka Soomaaliyeed ay ku dabanayaan in ay helaan xuquuqdii haweenka 30% ay ku lahaayeen dowladda.
Haweenka ka qeyb galaya ayaa muujinaya sida ay diyaarka ugu yihiin in ay helaan doorkooda oo ay qeyb ka noqdaan dowladda, iyaga oo ku dhawaaqaya ereyo u badan kuwa ay codsi ugu dirayaan dowladda Soomaaliya.
Qodobada looga hadlayo shirka Madasha ee Muqdisho ka socda waxaa kamid ah sidii loo heli lahaa xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, qeybna uga noqon lahaayeen dowladda la filayo in la yagleelo, in kasto an la ogayn halka ay ku biyo shuban-doonto.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________