by Mohamed Ibrahim Ayaanle | July 16, 2016 – Hal kudhiga cinwaankeyga ayaa ah mid aan kasoo nuqliyay gabay uu horay u tiriyay abwaan Maxamed Nuur Laangadhe kadib markuu gumeystihii Ingiriiska ka dalbaday in uu ka hadlo ama uu maanso ka tiriyo guulihii uu ka gaaray dagaalkii 2-aad ee aduunka isagoo yiri “ Mar hadaan gurigaya gidhligaanka gariiriyo garnayl loola tagaynin Iglan baa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha”
Saqbarkii habeenimo ayay aheyd kadib ciidan aad u fara badan oo uu horkacayay korneel Maxmed Siyaad bare ay la wareegeen awooda wadanka, ciidanka ayaa ahaa kuwa in muda ah is abaabuliyay sidii ay talada uga tuuri lahaayeen maamulkii rayidka ahaa ee xiligaasi wadanka ka talinayay ayagoona guud ahaan gacanta ku dhigay wadanka mudo kooban.
Hal kudhig loogu yeeray kacdoon ayuu ahaa halqabsiga ciidanka militariga waxa ayna dadka ku qancinayeen in wax badan ay wadanka ka badali doonaan waxaana la waayay cid far-nuuxisa maadaama afgambigaasi uu ahaa kii ugu horeeyay oo ciidan military ay la wareegaan awooda dalka dhagaha shacabkana ku cusbaa afgambi ayadoona natiijadii kasoo baxday ay Soomaalidu ka wada dharagsanyihiin.
Kacdoonkaasi kadib isla wadadaasi waxaa isku dayay dhowr kooxood oo kale oo iyana ku fooxsanaa kana biya diidanaa hanannkii kacdoonka balse xoog loo adeegsaday awogiis ayay u suuragali weysay ayagoo ugu danbeyntii 90-kii ay u suuragashay in ay xoog uga saaraan wadanka kacdoonkii.
Kooxo calooshooda ku caqli ah oo ay adeegsanayeen kuwa aan doonin in Soomaaliya ay cagaheeda ku istaagto ayaa in muda ah rinji aan la aqoon ku xardha qaarada Soomaaliya ayadoona in ka badan 26-sano wali aysan dhicin nafar dareema halka ay arinta ka qurantay iyo halka aan u socono maxaa yeelay waxaa la ogaaday meesha nagala hayo oo ah inaan lacag helno ama aan madax noqo waana mid ilaa haatan beesha caalamka ay noogu ciyaarayaan ama tijaabsanayaan fikiradooda.
Dulaal iyo mulaal ayaa talinayay intaas oo idil kadibna kii madaxa soo qaadana Aaqiro loo dirayay bilaa shuruud iyo bilaa hadal waxaana ugu danbeyn raqiis ka noqotay nafta muwaadanka Soomaaliga oo aan la ogeen sababka uu u dhimanayo.
Isla sidaas oo kale wadamada badan oo Afrika ku yaala ayay ka dheceen afgambiyo military ayadoona ciidanka shacabka ku qanciyeen in wadanka ay wax ka badalayaan ayana sidaasi nolosha caadiga ahi kusoo noqoto mudo ka dib balse taas way ka gadisantahay marka loo eega tan Soomaaliya ka jirta mudada 26-ka sano ee beesha caalamka dhabta nagu heyso ayna noogu xiirto hadba sida ay u arkaan.
Dadkii waxtarka u lahaa wadanka waa la qoor-gooyay; dhaqtar ha dhihin, macalin ha sheegin, ganacsadana warkiisaba dhaaf, wadaad diimeed waaba nagu cabsiiyay iyo waliba guud ahaan kuwii dadka horkici lahaa waxaana intaasi oo dhan sameynayay mid aan Alif xariiqi karin isuna heysta in uu yahay gorgor balse natiijadii kasoo baxday ayaa noqotay in aduunka oo idil nalaga takooro naloo bixiyana magacyo aan aqoonin.
Marxalado kala duwan uu wadanka soo maray intaasi kadib oo shacabkii ayaa kacay waxaana tusaala ahaan inoogu filan waxa kasoconaya magaala madaxda sida dadka ay isku xilqaameen ayna u sameysteen adeegyo bilaash ah iyo wadankooda ay quruxsadaan si “ISAAGA WAX U QABSO” taa oo ka qeyb aheyd tijaabo Soomaalida ay horay u arkeen.
Maanta caalamka sidii qarnigii 19-aad ma ahan aduunkii oo dhan ayaa isku furmay dhan ganacsi, siyaasad ayadoona mararka qaar ay u ektahay in aduunka oo idil uu noqday sida hal qol oo kale oo wixii ka dhaca cirifka ugu danbeeya caawa waxaad arkeysaa ayadoo isla saacadii looga sheekeysanaya goobta aad joogto taasna waxay cadeyn u tahay sida dhow ee uu aduunka isugu furmay mudadii nalka uu i naga dansanaa.
Wadan dadkiisa ay ixtiraam iyo abaal nagu leeyihiin ayaa waxaa ka dhacay isku afgami oo fashilmay balse shacab isku duuban oo cashar u dhigay kuwii soo abaabulay ayaa aduunka tusiyay in arinta ay sidaasi aheyn waxeyna fariin u direen kuwa caada-qaatayaasha ah ee doonaya in wadankooda ay dib u celiyaan. Kacdoonka shacabka ayaa awooda ugu weyn ee ummadi wax ku tahay waxa uuna haa cashar wixii ka dhacay Turkiga cashar ku tusinaya awooda shacabka.
Soomaalida maxay ka baran karaan wixkii ka dhacay Turkiga?
Ummada Soomaalida waa ummad hadii aad dhahdo diinta ayaa sidaas qabto ee kaalay horay kaasoo raaceyso waxaana la dhihi karaa waa ummada dhanka diinta qiima weyn u haya, balse arinta ma ahan sida aynu u aragno oo aan ula jeedo in anaga aan u baahanahay inaan wax ka barano ee aan saameyn ku yeelan siyaasad aan waxba kala soconin iyo ummad is abaabushay oo danteeda raacaneysa. Wax macna ah ma sameyneyso dibad-baxyo iyo faaqidaad lagu xeel dheeraado balse ayna wax ka barano macaanta wadaniyada iyo habkii ay mareen dadkii naga horeeyay waa inaan abuurnaa jiil dareema qiimaha wadanka iyo wadaniyada. Ma ahan in calanka aad ku dhagsato guriga hadana aadan dareemin qiimaha uu kuu leeyahay.
Ugu danbeyn, dhawaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho waana wada kaliya ee ay shacabka ku muujin karaan awoodooda iyo isku doobnaanshahooda si wax badan aan uga barano waxa caalamka ka soconaya ayna isaga xaaqi lahayn kuwa caada-qaatayasha ah ee dhuunta beelay kuna caqliga ah kaliya calooshooda magaca qaldana ka bixinaya shacaka Soomaaliyeed.
Maxaa iiga gidhiisa Mareenka aa nin madow lagu dilay iyo Faransiika aa dad lagu laayay anigaba shacabkeyga ayaa intaas sano dhimanayee. Taariikhda aynu wax ka barano yaanan nalagu tijaabsanin fikiro wixii sii noolna aan u jeexno wado jiilba jiilka uu ka danbeeyo. Talada shacabka ayay ka go’daa ee siyaasi kama timaado.
“Mar hadaan gurigaya gidhligaanka gariiriyo garnayl loola tagaynin Iglan baa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha” – Maxamed Nuur Laangadhe 1943
.
.
.
by Mohamed Ibrahim Ayaanle
Qaranimo Online
Sweden
_____________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________