Muqdisho, July 11, 2016: Wasaarada howlaha guud ee dowladda Soomaaliya ayaa muddo kooban u qabatay Shirkadaha Dhismaha ee ka howlgala dalka Soomaaliya, in ay iska soo diwaan geliyaan wasaarada si deg-deg ah.
Mudane Salaax Sheekh Xuseen, Wasiirka wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la xisaabtanto shirkadaha dhismaha ka shaqeeya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya, ha ahaadaano kuwa ajnabi ah ama kuwa gudaha laga leeyahay.
Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la hubiyo tayada dhismaha dalka sidaas darteedna ay go’aan ku qaaday in ay muhiim tahay in shirkadaha dhismaha ay iska soo diwaan geliyaan wasaarada howlaha guud iyo dib u dhiska, si loola socdo howlaha dhismaha ee ay ka hayaan Waddanka gudihiisa.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________