Muqdisho, July 6, 2016: Yuweri Museveni oo ah Madaxweynaha Uganda, ayaa sheegay in qorshe xumo ay haysato Ciidamada AMISOM ee ku sugan Dalka Soomaaliya, taas oo micna uu lifaaqay.
Madaxweynaha dowadda Uganda ayaa sheegay in ciidanka AMISOM aysan la heyn qorsho loogu talagay in ciidan dagaal ku jira.
Museveni ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu hada gaabis yahay, taas uu ka wado in Ciidamadiisa ay sii joogaan Soomaaliya.
Laakiin Yuweri Museveni ayaa sheegay in aanu ciidankiisa la bixi doonin haddii howlgalka AMISOM jihada saxda ah uu abaaro, oo ay ka mid tahay in dib loo dhiso ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa dhawaan sheegtay in ciidankeeda ay kala baxayso dalka Soomaaliya sanadka danbe in kastoo wararka arrintaas ay beeniyeen.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________