Qiimeyn aan sameynay 9kii ugu Wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80meeyadii ayuu Xidiga Axmed Maxamuud Cali’ Abaliisha’ uu ku noqday kan kasbaday Kaalintaasi waxaana uu ahaa Laacib ay ka walwali jireen Difaaca ka soo horjeeda.
Hadaba waxana halkaan idinkugu sii gudbineynaa Taariikhdiisa oo kooban Xidigaan ku soo barbaaray Degmada Boondheere ahaaan 9kii Ugu Fiicnaa Gobolka Banaadir 80meeyadii.
Waxa uu ku dhashay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isbitaalkii la oran Jiray Raawe oo ah hada Laga dhigay wasaarada Caafimaadka Sanadkii 1964kii, waxaan ku soo barbaaray Xaafada Yuusuf Kowneyn ee degmada Boondheere,waxbarashada waxaan ku qaatay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Lakiin yaraanteydii waxaan aad ugu hamin jiray sidii aan Kubada Cagta magac ugu yeelan lahaa riyadiina waa ii rumowday Maadaama Qoys isboorti aan ka soo jeeday waxaana helay Dhiirigalin Runtii iyadoo Dhalinyarada Degmada Boondheere deganeyd oo ahaa kuwii ugu caansanaa dhinaca Kubada cagta ay Markaasi iyaguna i garab istaageen Waxaana Boondheere ay noqotay Degmo kooxaha ka dhisan Laga baqo marka aan ka hortageyno Kooxaha kale ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka dhisnaa waadna la socotaa Degmada Boondheere waxaa ku yiilay Garoonkii Bacaadka Waamo oo Sanad kasta lagu Qaban jiray Tartamo Isboorti oo uu ugu Caansanaa Koobkii Ramadaanka Degmada Boondheere Runtii waxa ay aheyd Hooyada Kubada Cagta Gobolka Banaadir waxa ay aheyd Degmo kulmin Jirtay Ciyaaryahano Caan ah, Raga aan xasuusto ee ka soo baxay Boondheere waxaa ka mida zakariya Baliile, Cumar Calasoow, Axmed Cabaas, Cabdulaahi Cabdi, Akookoow, Cabdicasiis Giftin yo ciyaartooy badan, waxaa ku dhiirigaliyay kubada Cagta AUN Tababare Cumar canjeeste.
Waxaan leenahay Hambalyo Laacibka Axmed Maxamuud Cali’abaliisha’ oo ku guuleystay 9kii ugu Wanaagsanaa Gobolka Banaadir 80meeyadii.
.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle’ uurdoox’
uurdoox2016@gmail.com
____________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________