Muqdisho, June 26, 2016: Warar goor dhaw naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegaya in rag hubeysan ay xaafadda garsoor ku dileen, Xildhibaan Siciid Xeyle, oo ka mid ah golaha deegaanka Gaalkacyo.
Kooxda wax dishay oo watay bistoolado, ayaa goobta isaga baxsaday markii ay dilka geysteen kadib, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo howlgallo wada ila iminka.
Waa Mas’uulkii Saddexaad ee lagu dilo magaalada Gaalkacyo tan iyo dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan, welina ma jirto cid dowladda Puntland usoo qabatay arrintaasi; sido kale ma jirto cid sheegayay dilkaas.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________