Muqdisho, June 7, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta oo Talaado ah ku kulmaya magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlaya arrinta Qaxootiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay booqasho ku tagay xerada Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus milyan ruux ayaa sheegay in qaxootiga aan si qasab lagu celin doonin.
Labada Madaxweyne ayaa isla arki-doona qaabka ugu haboon ee qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab dib loogu celin karo dalkooda, iyadoo aan qasab aheyn.
Daa’uud Aweys af-hayeenka Madaxtooyada, ayaa sheegay in kulanka labada Madaxweyne diirada lagu saari doono xiriirka labada dal, ammaanka iyo ganacsiga.
Dowladda Kenya ayaa dhowaan sheegtay inay xireyso dhamaadka sanadkan xerada qaxootiga Dhadhaab, isla markaana dib u celineyso qaxootiga ayadoo qasbaysa hadii loo baahdo.
————————————
Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________