Muqdisho, May 27, 2016: Halista ciidanka Hubeysan ee mara waddooyinka Xamar, una dhaqma sidii ay doonaan, mar hore ayaa qaylo dhaani katimid, hayeeshee awooddooda ayaa weysay xisaabin iyo abaalmarin, wixii ay soo socotana waxa ay soo gaartay halka ay maanta joogto.
Ma hubo in qoraalkan muragada xambaarsani gaarayo dhegaha iyo indhaha dadka haya hoggaanka iyo awoodda dowladda, hayeeshee bal in ay diirnaxa leeyihiin ayaan ku deyayaa
Maalin walba waddooyinka waxaa nagu handada gaadiid hubeysan, oo ay wadaan dad dhallinyaro u badan, gaadiidkaas qaarkiis waxa uu leeyahay astaanta qaranka iyo calaamadaha dowladnimadeena,
Marka ay naga horreeyaan ma baasi karno, marka ay kaa dambeeyaana kama socon karno qaylada, iyo qoryaha furan ay nagu taagayaan,
Gaadiidka qaarki waa kuwo ka shaqeeya hay’ado ammaan oo gaar looleeyahay, balse inyar ka roon kuwa sita astaamaha dolwadda.
Muwaadin walba oo ku shaqa taga gaari u gaar ah, ama raaca kan dadweynuhu waxa uu la kulmaa dhibkan sii badanaya.
Waxa aan goobjoog u ahaa haween hooyooyin ah, oo la socday gaari caasi ah, waxa ku xirmay jidka isgoyska Taleex, iyaga oo iska fadhiya ayaa waxa yimid gaari hubeysan, qoriga ku rakiban gaariga waxa ka laalaaday wiil madaxa xirtay, macawis iyo funaanadna xiran, dhowr xabbadood ayuu kor u riday, taasina
Waxa ay sababtay in dhulkii isla daryaamo, haweenkiii si degdeg ah ayay uga dageen gaarigii ay saarnaayeen oo sugayey in jidku furmo, iyaga oo bisinka iyo yaasiinka afka ku haya, darawalkii gaariga ayaa ka daba tanaagooday, isaga oo leh waa xabado jidka lagu furayo hooyo ee soo noqda, waxaas oo dhan ma rumeysan ee waxa ay isku sii looxiyeen derbi meesha ka dhowaa, qiyaasteyda waxa ay ahaayeen 5 islaamood oo dhaqmaad deys ah, aad u culus, iyaga oo dhibban ayay iska tageen, kirishbooyga oo kamid ahaa kuwa aan xishoon ayaa ka daba orday, hayeeshee
dadkii ku haray gaariga ayaa u yeeray oo ka codsaday in uu ka soo haro hooyooyinkanafta la cararay, lacagtiina inta u qaaraameen ayay isugu dareen.
Muwaadiniinta ku nool Caasimadda ayaa wada qaba dhibkaan, ee qaarkood ma aha, waxa u daran kuwa kuwa isticmaala waddooyinka waaweyn,
Caawa waxa dhacay mid kamid ah dhacdooyinka naxariista daran, nin dhallinyaro ah, oo Mooto Bajaaj wata ayaa inta xabado lagu furay, oo la dilay lagana tegey.
Waxa uu ku dhex raftay dhiiggii ka baxay illaa uu ka dhintay, muddo ayuu nafta ku dhibbanaa, isaga oo ka dhacay mootada
Haddaba aan isweydiino yaa u baanneeyey ciidanka hubeysan iyo madaxda la socota in ay dadka shacabka laayaan, kadibna ay xitaa ku soo laaban waayaan qofkii ay dileen,
Dad badan ayaa la soo boodi doona waa isdifaacayeen,! Oo sidee ayay isu difaacayeen? Haddii ciidanku ka cabsanayaan cid shacabka ku dhex jirta, ma waxa ay taasi banneyneysaa in dadka nafta iyo nolosha la xarbinayo lagu dilo xabbadihii lagu difaaci lahaa?
Waxa aan raadineyno ayaa ah in dowladnimadu soo hagaagto, dadkii ana u haysanay in ay wax hagaajin karaanna waa ay hayaan,
Haddii Xasan Sheekh Maxamuud madaxweyne yahay, isaga oo og dhibkii iyo qalalaasihii taagnaa muddada, hayeeshee ay dhammaadkii madaxtinimadiisu ku soo dhacday in muwaadiniintu ka shaqeysan waayaan ciidamo hubeysan oo kala nooc ah, wax haray oo la isku howlaa ma jiraan, ee muwaadin walbaa ha qabto meeshii uu nolol ka heli karo.
Wax ay ahayd maanta in adeegsiga xabbaddu marka la isdifaacayo uu leeyahay xeer cusub, oo ka fudud kan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, ama in ciidanku yaqaanaan waxa uu fal walba oo ay qaadayaani ku leeyahay xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo xeerka difaaca muwaadiniinta
Maalin dhoweyd waxa aan ku socday jidka aada garoonka Aadan Cadde, waxa ila socday nin aan isku fasal nahay oo aan wada daraaseyno Sharciga iyo qaanuunka, gaari ay saarnaayeen rag hubaysan ayaa naga daba yimid, sidii aan filayey waxa uu isku dayey in uu hoon iyo qaylo iyo qoryaha oo nalagu soo fiiqay awgeed in aan jidkaba uga baxno, markii uu arkay in aan seedkaas ku socono oo aanan ka horreyno ayuu inta na baasay oo nah or istaagay waxa uu furay xabbado!!
Waan degey oo waxa aan weydiiyey waxa an noo xabbadeynayaan, waa I aflagaadeeyeen, kadibna waa ay iska tageen,
Aad ayaan uga carooday waxa ay nagu sameyeen, hayeeshee bal adba, yaa looga dacwooda balaayadan aan wax laga baran Karin, laga shaqeysan Karin, laga mari Karin jidka.
Dowladnimadu marka ay noqoto wax koox u adeega dadka oo dhami waa ay nacaan, oo waxa ay damcaan in ay dowlad la’aan ahaadaan,
Hooyada dhashay wiilka la dilay isaga oo Mooto Bajaaj nolo ka raadsanaya ee gablantay maxay u tartaa dowlad ayaa jirtaa iyo calan ayaa taagan.
Sababtii ay u duntay saldanaddii Saynul Caabiddiin Bin Cali, tii Xusni Mubaarak, tii Cali Cabdalla Saalax waxa ay ahayd in muwaadiniintu dareemeen cadaadis iyo in awooddii lagu difaaci lahaa lagu dilayo.
Sababta aan dowladnimo ugu baahanahay waa in xuquuqda muwaadiniintu dhowrsan tahay, haddii dowladdu gaarto heer ciidan leh astaanteedu ay ku tuntaan xuquuqda muwaadinka waxa ay taasi muujineysaa astaamaha tusiya in aan ku jirno wax ka hooseeya dowlad xun, oo ah muwaadiniin ciqaabaya muwaadiniin kale iyaga oo qaarkood sheeganaya in ay sharciga fulinayaan!!!
Haddaba aan isweydiino sidee muwaadiniintu u aaminayaan dowladnimada marka xabbadihii ay ahayd in lagu difaaco lagu dilo?
Waxa Qoray : Axmed Ciise Guutale
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________