Muqdisho, May 15, 2016: Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusaayey 15 May oo ah maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan sanad guuradii 73-aad ee ka soo waeegatay aas aaskii ururkii dhalinyarda SYL ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ,waxaana ka soo qeybgalay Xildhibaano, Wasiiro Masuuliyiinta Ururadda Dhalinyaradda, Ardeyda Jaamacadaha iyo marti Sharaf kale.
Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Ashcari, Gudoomiyaha Naadiga Nakadsa, ayaa mahadceliyey Xildhiaanadii , Wasiradii iyo Ururradii ka qayb galey Munaasabadda isago sheegey in 15-ka May ay tahay maalin aysan hilmaami doonin Shacabka soomaaliyeed isagoo ugu baaqey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka mira dhaliyaan Halgankii SYL waxaa uu siiraacyey
“Naadiga Nakadsan waxaa ka diwaangashan ilaa Saddex Kun Dhalinyaro kuwaa oo Bulshada u qabta Howlo kala duwan maadaama dhalinyada ay yihiin lafdhabarta bulshada” Wuxuuna u soo jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan Dowlad Wanaaga taasoo u sheegey in lagu gaari karo Horumar iyo Barwaaqo
Xildhibaan Faarax Cabduqaadir oo ka mid ahaa Masuuliyiintii lagu marti qaadey Munaasabadaas lagu xusayey maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegey Munaasabadaani ay tahay maalin ku weyn Bulshadda Soomaaliyeed maadaama ay ku asteesan tahay aas aaskii ururkii SYL ee u soo halgamay xuriyada dalka Soomaliya,wuxuuna Hoosta ka Xariiqey n dhalinyarada laga doonayo in ay ka qeybgalaan arimaha sugida amniga si loo gaaro xasiloni iyo hormar, waxaa uu intaas ku darey
“ Dhaliyarada waxaa u leeahay Dhibaatooyinka Dalka ka jira waxaan uga bixi karnaa inagoo xooga saarna Nidaamka Dowladnimo” isagoo Dhalinyarada Soomaaliyeed u soo jeediyey inaa ha iska dhaafaan maalin ku taajirka u hanqal taaga Dalal shisheeye.
Xubnhii kale oo Munaasbadaas ka Hadley waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Cabdulaahi Nuux oo u mahadceliyey Naadiga Nakadsa iyo intii kale ee soo qaban qaabisey Munaaasabada lagu xusayey Sannad Guurada 73 ee ka soo wareegtey Aas-Aaskii Xisbigii SYL isagoo ugu baaqey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay qaataan Talooyinka Wanaagsan ee loo soo jeediyey.Inti munaasbadaas ay socotey ayaa Dhalinyaradii ka qayb gashey waxay S’aalo weydiyeen Masuuliyiintii ka soo qayb gashey kuwaa oo si saraaxad leh uga jawaabey waxayna Munaasabadaas ku soo idlaatey sidii loogu talagaley oo an lex-lexad lahayn.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________