3243 Views

Madaxweynaha: ”Baarlamaanka Federaalka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016”

Madaxweynaha: ”Baarlamaanka Federaalka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka, ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu maanta la qaatay Guddiga Baarlamaanka Federaalka ugu qaabilsan hannaanka doorashada.

“Baarlamaanka waa aasaaska dowladnimadeena, sidaa darteed markii madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamulada ay isku soo raaceen hannaanka doorasho, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh. Waxa aan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka wadatashi iyo wax isla oggolka”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, lana dhowro waqtiga jiritaanka goleyaasha qaran sida uu dastuurka dhigayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guda jirto dhismaheeda hay’adaheeda dowliga, lagama maarmaanna ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo helo caddaalad, nabad iyo horumar.

Kulankan gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.
Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada ayaa loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan hannaanka doorashada dalka, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka la qeybsadaan. Waxaa dukumentiga heshiiska hannaanka doorashada loo gudbiyay Baarlamaanka bishii April 30-keeda

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment