Muqdisho, May 13, 2016: Shir ballaaran oo looga hadlayo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada ururka Jaamacadda Carabta uga furmay magaalada Kasabalanka ee dalka Maroco.
C/risaaq Taano, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Cuman, ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ujeeddada shirkaasi loo qabtay ay tahay sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada ku nool waddamada burburku ku dhacay oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
“In waddankooda gudihiisa shaqo abuur loogu sameeyo macaahid tababar laga furo kaddibna hey’ado shaqo abuur ah lagu sameeyo dalka gudihiisa iyo in dalalka bixiya shaqooyinka ay fursado shaqo siiyaan” ayuu yiri C/risaaq Taano.
Hoose ka dhegayso
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________