3015 Views

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin go’aanka Kenya ee xeryaha Qaxootiga

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin go’aanka Kenya ee xeryaha Qaxootiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho, May 12, 2016 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte.

Shirkan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin howlgalada Ciidanka Xoogga dalka ay ka fulinayaan degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, dhibaatooyinka Roobabka iyo abaaraha weli taagan, go’aanka dowladda Kenya ay ku sheegtay inay xireyso xeryaha Qaxootiyada iyo qodobo kale.

Ugu horeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa golaha faah faahin ka siisay howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, waxaana ay sheegtay in howlgaladu ay isugu jiraan kuwo gaar ah oo ay fulinayaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab iyo howlgalo xoreyn degaano cusub, waxaana si gaar ah ay Wasaaradu u xustay in ciidanka Danab ay beegsadeen goobo la ogaaday inay saldhigyo u yihiin kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab, lana burburiyay.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, kaasoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada, waxaana dood dheer kadib, goluhu ansixiyeen Hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Kulanka golaha ayaa sidoo kale, looga hadlay go’aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga, waxaana loo xil saaray guddi ka kooban Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda, Qorsheynta iyo Warfaafinta oo soo diyaarin doona baaq ku wajahan dowladda Kenya.

Ugu dambeyntii, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday in Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim loo magacaabo Safiir, waxaana cod caqlabiyad ku ogolaaday Golaha.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment