Muqdisho, April 28, 2016: Heshiiskan oo ahaa mid horay loo galay una dhaxeeyay wasaaradda Caafimaadka Dowladda Soomaaliya iyo suudaan ayaa waxaa inta badan xooga lagu saarayay adkeenta iyo dhaqan galinta heshiiskaasi horay loo galay iyadoo dhanka soomaaliya ay mataleeysay wasiiradda Caafimaadka ee Dowladda soomaaliya Drs Xaawo Xasan
Heshiiskan oo Qeexayay in la Sameeyo gudiyo fulineed oo ka socda labada Wasaaradood ayaaa waxaa la isla gartay in waajib ay tahay in la adkeeyo xiriirka u dhaxeeeya labada Wasaaradod gaar ahaan dhanka adeegyada caafimaadka waxyaabaha quseeeya iyadoo wasiiradda u mahadnaqday dhigeeda dalka suudan ee heshiiskan la saxiixday
Drs Xaawa Xasan oo la hadleesay Warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in dowladda soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda caafimaadka heshiiskan ugu fadhiyo muhiimad gooni ah Dhawaana sheegtay ka wasaarad ahaan in ay soo dirayaan gudiyadii fulin lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay
Dhanka kale wasiiradda oo Maalmahaanba howlo shaqo u joogtay khartuum ayaa tibaaxday in ay u timid ka qeeb qaadashada shir ay leeyihiin wadamadda urur goboleedka igad ku buhoobay kuwaa oo gaarayay sideed dal oo dowladda soomaaliya ay qeeb ka taahy loogana hadlayay khatarta afrika ka haysta isticmaalka dawooyinka dhacay iyo sidii bulshada looga wacyi galin lahaaa qatartaas.
Waa markii ugu horeysi wasiiradda caafimaadka Drs xaawo Xasan ay soo gaartay dalka Sudaan tan iyo markii ay la waragtay Wasaaradda.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________