Muqdisho, April 25, 2016: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya, ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dowladda Somaliya ay diyaarin doonan ciidankii badali lahaa kuwa Midowga Afrika ee Amisom .
Mudane Cumar Cabdirashiid R/wasaaraha Somaliya ayaa safar shaqo ku tagay dalka Ruushka waxaa uuna kala hadlay horumarinta ciidanka xooga dalka Somaliyeed.
Ciidanka Amisom ayaa muddo dheer jooga dalka Somaliya ,waxaana qaar ka mid ah siyaasiinta Somaliyeed ay sheegeen in ay haboon tahy in la badalo Amisom islamarkaana la dhiso ciidanka xooga dalka Somaliyed.
Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Saraakiisha ciidamada iyo Wasiiro ay tagi doonaan Ruushka si looga sii hadlo arinta ku aadan dib u dhiska ciidanka Xooga Somaliya.
Dowladda Ruushka ayaa dhawaan sheegtay inay Somaliya hub ka iibinayso hadii Qaramada Midoobay Somaliya ay ka qaado xayiraada dhanka hubka ah ee saaran Somaliya.
Si kastaba ha ahaatee, AMISOM ayaa waxad moodaa in shaqadeeda ay ka gaabisay labadi sano ee dambeeysay.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________