Muqdisho, April 22, 2016: Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari kulanka waxaa ku wehliayey Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana looga wada hadlay xiligan howlaha hor yaala Baarlamaanka iyo taageerrada ay u baahan yahay.
Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerrada ay la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________