Toronto | QOL | April 7, 2016 – Waxaa dhawaan magaalada Nairobi ay Gudiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista Dastuurka iyo Kan Baarlamaanka ee Arimaha Dastuurka ka soo saareen soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka oo dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya. Soo jeedintan ayaanan ilaa hada loo soo bandhigin dadka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan, sidaa daraadeed waxaa ila haboonaatay in aan dadka la wadaago kana dhiibto fikirkeyga.
Ilaa 10 Cutub ayaa hada la dhameystiray. Labadan Gudi ayaa qodobo badan ka bedelay eray bixinta, laa’ley qodobada qaarkood, ku daray qodobo cusub oo hor leh, ayadoo farqooyinka qaarkood loo rarey ama la hoos geeyey qodobo kale.
Markii aan dul maray soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka waxaa ii muuqatay in Gudigu ay xooga saareen in Dawlada Federaalka ay yeelato awoodo Dastuuri ah oo dhinaca awoodaha maamulka dalka ah, halka awoodaha Maamul Goboleedyada la yareeyay.
Marka aad fiiriso sida awoodaha maamulka loo qeybiyey waxaa kuu soo baxaya in nooca federaalka loo diyaarinayo Soomaaliya uu u eg yahay nooca loo yaqaano Administrative Federalism ayadoo wadamada qaarkoodna looga yaqaano Co-operative Federalism. Waxaa la bedelayaa magaca loogu yeero madaxda Maamul Goboleedyada hada oo ah Madaxweyne loona bedelayaa Xaakim.
Soo jeedintan waxay u ogolaaneysaa Muqdisho iney yeelato Maamul Goboleed ay ayadu leedahay ahaatana caasimada dalka Soomaaliya.
Qodobka Jinsiyada waxaa lagu daray in ilmaha ay gabadha Soomaaliyeed ay u dhashay qof ajanabi ah ay qaadan karaan Jinsiyada Soomaalinimada.
Qodobada ugu muhiimsan uguna xasaasisan oo wax laga bedelay, wax lagu daray ama la laalay waxaa ka mid ah:
Qodobka 9 aad farqadiisa 1: magaalo madaxda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya waa Muqdisho.
Fikirkeyga: Qodobkan horey ayuu u jirey walow maqaamka ay yeelaneyso Muqdisho uu su’aal ka taagnaa taasoo hada Qodobka 9 aad farqadiisa 2 aad oo hoos ku xusan lagu cadeeyey.
Qododbka 9 aad farqadiisa 2: magaalo madaxda federaalka oo Muqdisho ah waxay noqoneysaa Dawlad Goboleed.Qodbkan waa qodob cusub.
Fikirkeyga: Qodobkan waa qodobkii Xamar iyo Xamar Daye aad loogaga sugayey beryahan.
Qodobka 44 aad farqadiisa 1: kheyraadka dalka waa hanti qaran.
Fikirkeyga: Qodobkan sharci ahaan waa macquul hadii heshiis ay ku yihiin Soomaalida, ayadoo ay suurta gal tahay in Maamul Goboleedyada ay su’aal ka keenaan. Inta badan kheyraadka wadamada federaalka waxaa maamula gobolka uu ku jiro, Dawlada Federaalkana waxay ka qaadaa nooc canshuur ah oo loo yaqaano “royalty”.
Qodobka 46 aad farqadiisa 3: Dawlada Federaalka waa in ay xaqiijisaa in gobol kasta uu yeesho maamul dimoqoraadi ah. Qodobkan waa mid cusub.
Fikirkeyga: Qodobkan waxaa loo fasiran karaa in ay Dawlada Federaalka dooneyso in ay hesho sharci ay ku farageliso ama ay ku maamusho sameynta Maamul Goboleedyo rasmi ah afarta sano ee soo socota. Maamulada hada jira ma ahan kuwo rasmi ah ee waa ku meel gaar. Sharci ahaan dadka gobolka degan waa in ay yeeshaan awooda sameynta maamulkooda ayagoo aanan loo yeerineynin cida ay dooranayaan. Dawlada Federaalku waxay yeelan kartaa oo keliya kormeer ay ku xaqiijineyso in sharciga maamul u sameynta gobolada aanan la baal marin.
Qodobka 49 aad farqadiisa 5: xuduudaha dawladaha xubinta ka ah dawlada federaalka waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii goboladii jirey 1991. Qodobkan waa la’ laaley.
Fikirkeyga: Laa’lida qodobkan waxay keeneysaa ineysan jirin meel bar ah ama dhul cayiman oo wax laga bilaabo, muran badana keeni kara. Qodobkan waxay ahayd inuu sidiisa u jiro inta Gudiga Xadadka iyo Federaaleynta ay kala kulmayaan dadweynaha gobolada iyo inta ay howshooda ka dhameynayaan.
Qodobka 49 aad farqadiisa 6: ugu yaraan labo gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dawlad Goboleedyada, ayagoo xor u ah go’aan kooda. Qodobkan waa la’ laa’ley.
Fikirkeyga: Laa’lida qodobkan waxay keeneysaa in gobolo hada isla socda ay kala baxaan oo gobol, gobol ay isu taagaan taasoo sii kordhin doonto jahwareerka hada jira. Ogsoonow gobolada hada isla socdaa sida Galmudug, Southwest, Jubbaland, iyo Puntland sharciyan ma’ahan Maamul Goboleedyo rasmi ah, walow Puntland ay wax yar ka duwan tahay kuwa kale. Hadii qodobkan la’laalo kuwa hada wadajira ayaa kala bixi kara bacdamaa uusan jirin sharci xakameynaya. Qodobkan waxay ahayd inuu sidiisa u jiro inta Maamul Goboleedyo rasmi ah laga sameynayo dalka oo dhan, Gudiga Xadadka iyo Federaaleyntana ay howshooda ka dhameystirayaan.
Qodobka 52 aad farqadiisa 2: magaca rasmiga ah ee madaxa Dawlad Goboleed ka wuxuu noqonayaa Xaakim. Qodbkan waa cusub yahay.
Fikirkeyga: Magac bixintan waa laga haboon yahay oo waxaa ka haboon Madaxa Maamul Goboleedka,ama Hogaamiyaha Maamul Goboleedka.
Qodobka 52 aad farqadiisa 3: sharci uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu dejinayaa habraacyada iyo arrimaha lagama maarmaanka u ah kulamada Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo mas’uuliyiintooda. Qodobkan waa cusub yahay.
Fikirkeyga: Qodobkan waa qeyrul sharci marka aad nuxurkiisa fahanto sababtoo ah wuxuu xakameynayaa kulanka Madaxda Gobolada si ay fuliyaan hawlahooda shaqo, Dawlada Federaalkana siinaya in ay la socoto, dejisana, fasaxna siiso jadwalka kulanka Madaxda Gobolada.
Qodobka 53 aad farqadiisa 1: Dawlada Federaalka waa in ay kala tashataa Dawlad Goboleedyada wada xaajoodyada caalamiga ah. Qodobkan waa la’ laa’ley.
Fikirkeyga: Wada xaajoodka Dawlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada waa muhiim lagamana maarmo waa hadii dalku uu federaal yahay.
Qodobka 55 aad farqadiisa 8: Dawlada Federaalka waxay horumarineysaa horumarka maamulka gaadiidka cirka, dhulka iyo wadooyinka gobolada dhexmara.
Fikirkeyga: Wadooyinka gobolada dhex mara ee wadamada federaalka waxaa inta badan maamula gobolada bacdamaa ay ayagu u dhow yihiin kuna dhex yaalaan.
Qodobka 55 aad farqadiisa 12: dejinta iyo hirgelinta jaangoynta siyaasada qaranka ee arimaha caafimaadka iyo waxbarashada waxaa awood loo siiyey Dawlada Federaalka.
Fikirkeyga: Badanaa waxbarshada iyo caafimaadka waxaa maamula gobolada. Federaalku waxay ku leeyihiin in ay heshiisyada World Health Organization iyo UNESCO lala gelayo ay ayadu gasho ayadoo gobolada kala tashaneyso.
Qodobka 55 aad farqadiisa 14: Dawlada Federaalka waxay maamuleysaa webiyada iyo harooyinka isku xira Dawlad Goboleedyada.
Fikirkeyga: Shaqadan waxaa inta badan iska leh Dawlad Goboleedyada. Dawlada Federallka waxay xaq u leedahay in ay maareyso Badda Soomaaliya. Guud ahaan qodobka 55 aad iyo kuwa kaleba waxay balaarinayaan awoodaha Dawlada Federaalka.
.
Tixgelin:
Aden Abdi Hire, Mississauga, Canada
hire01@yahoo.ca
___________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________