Muqdisho, April 6, 2016: Ethopia kama maarmi doono inta aan la wadaageyno Qodobadaan hoos ku qoran:-
- Kama maarmi doono inta Kobaha Kooyaha loo yaqaan aan ugu jecel nahay kuwa Ethopian-ka ah .
- Kama maarmi doono inta aay xiiso nagu heyso Canjeerada Daafida Ethopian-ka ee laga dubo Maqaayadaha qaar ee ku yaalo Muqdisho.
- Kama maarmidoonto inta Heesaha Ajnabiga ah aan ugu jecelnahay Ethopianka aana Jaanta la ruxeyno marka aan maqalno Fanaanka Tedy Afra oo ku luuqeynaya (Lanbaadina).
- Kama maarmi doono inta Pasaporka Ethopia aan ku raadinoyno Lacag lagu soo xajin karo.
- Kama maarmi doono inta Siyaasiga naga xanaaqo uu aadayo Ethopia ee la soo siinaayo Hub ama lagu soo dajiyo Ethopia.
- Kama maarmi doono inta Ardeydeyna Minxo waxbarasho looga keenayo Ethopia halkaana aan lagu soo bareyn Taariikh tilmaameyso Somalia iyo Wadaniyadeda Midna .
- Kamamaarmi doono inta Safarada Ethopia ee Muqdisho ku dhex taalo Gudaha Madaxtoyada Qaranka ee Villa Somaliya .
- Kama maarmi doono inta Documintiyadeyna Muhiim ka ah uu ku yaalo saxiix Muwaadin Ethopiaan ah ama Wasiiradooda .
- Kama maarmi doono inta aay Ciidamadoodu joogaan Soomaaliya iyagoo waliba soo galaya markeey rabaan baxayana markeey rabaan wadasheyna aaysan kala dhaxeyn Saraakiisha Amaanka Soomaaliya.
- Kama maarmi doono inta Cutubyada Ciidanka Qaranka Soomaaliya qaarkood lagu soo tababaro Gudaha Ethopia iyago kusoo gaardis barto Ereyada Ethopianka ah loona yaqaano Magacooda (Copy)
.
Cabdisalan Joker | Qaranimo Online | Muqdisho
——————————
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________