HORDHAC / GOGOL-DHIG
Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Aqristoow aan ku bilaabo’e sida caadaduba aheyd barnaamijkii 3-dii biloodba mar laqaban jiray, ee Fagaaraha Forum, ayaa habeenkii Sabtida aheyd, taariikhduna ku beegneyd: 27-ka bisha Maarso 2016-ka, waxaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee carro Mareeykan.
Su’aasha looga doodayey ayaa waxeey aheyd: “Caqabadaha doorashada 2016-ka xal loowada dhanyahay malaga gaarikaraa?”
Waxaa doodaa kawada qeyb galayey afar shaqsi, oo midkastaahiba lasiiyey 15-daqiiqo, iyo min 1-daqiiqo oo kucesasho ah (rebuttal), iyadoo kadibna su’aalaha dadweynaha loofuray. Sidan ay magacyadooda isugu xigaan, beey ufadhiyeen doodana ugu kala hormareen:
1-Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), oo ah gudoomiyaga guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ee 2016-ka.
2-Dr.C/Raxmaam Maxamed Cabdi Xaashi oo ah dhaqaaleyahan usoo shaqeeyey Bankiga Aduunka (World Bank), musharrax Madaxweynena ahaa doorashadii 2012-ka.
3-Xildhibaan Ibraahim Saleebaan Xaaji Nuur (Ilkacase), oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlada Loowada dhanyahay ee Soomaaliyeed.
4-Daahir Mire Jibriil oo mar usoo ahaa madaxii shaqaalaha (Chief of Staff) Madaxweynihii hore Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.
Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo ah gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ee 2016-ka, oo xaqiiqdii aheyd qof aftahanad ah/hadal-aqoon ah, aheydna qofka kaliya ee aanan noqon khaarijul-moowduuc, ama aheyd qof aanan kabixin moowduuca dooda, una hadashey si heer qaran ah, kana duwaneyd sida ragga miiska lafadhiyey, laba kamid ah eey uhadlayeen. Qodobadii eey doodeeda kusoo bandhigtey waxaa ugu muhiimsanaa kuwan:
Waxeey sheegtey in mandate-ka, ama waxa loo unkadey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka qaran, ee ay gudoomiyaha utahay uu ahaa in Soomaaliya eey gaarsiiyaan doorasho xalaal ah, oo qof iyo codkiis ah (One-Man-One-Vote), balse shuruucdii, qawaaniintii iyo guddiyadii ka horeeyey, oo dhan aan lasameyn oo aan wax laga qaban. Waxeey sidoo kale sheegtey in dalka uu ka jiro isfiirsasho dhanka siyaasada ah, lagana baxidoonin illaa la helo dib-uheshiisiin dhab ah, oo ummada Soomaaliyeed dhamaantood isku wadacafiso.
Waxeey ku nuuxnuuxsatey in eey tahay ruux jecel dowladnimo Soomaaliyeed, garaneysana qiimaha qaran Soomaaliyeed uu leeyahay, maadaama qaran Soomaaliyeed uu bilaash kugaarsiiyey heerka ugu sareeya waxbarashada. Qaran la’aan dhibaatadeedana soo aragtey burburkii kabacdi. Waxeey sheegtey in madaxda dalka la xaqdhowro, oo mansabkooda lasiiyo, wixii eey khaldaana lagula xisaabtamo. Waxeey tiri waxaa sharaf ii ah in aan Madaxweyne leeyahay iyo dowlad dalkeeyga matasha.Waxeey dadweynaha ka codsatey in wanaaga iyo xumaanta la isubarbardhigo, oo xumaan oo kaliya aanan lasheegin.
Waxeey sidoo kale sheegtey in 4.5-kan iyo deegan-kusheegan meelaha lala ordayo, ee la dhoodhoobayo aaneey waxba isdhaamin, oo ay isku midyihiin, illeyn deegaanka lagaasoo dooranayo qabiilka ugu tunka weyn ayaad waxweyn kuheleeysaa, ama reer hebel meesha aad tagtaan baad wax kaheleysaa oo kaliya, waa isla qabiilkii iyo qabyaaladii oo lamaldahayo.
Dr.C/Raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ah aqoonyahan bartey dhaqaalaha, kana sooshaqeeyey hey’ado farabadan, oo uu kujiro Bankiga Aduunka (World Bank), kana mid ahaa musharixiintii utartamay qabashada jagada Madaxweynenimo doorashadii 2012-ka, hadana umuuqdey musharrax Madaxweynenimo marka aad ufiirsato, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud udabadhigtey, iyo guud ahaan dowlada uu Madaxweynaha kayahayba. Doodii uusoo bandhigey isagana waxaa ugu muhiimsanaa qodobadan:
Isagoo si aad uxagjirta uhadlaya wuxuu yiri, “4.5 waa halaag, waxaana dib loogu noqonayaa dagaalladii sokeeye ee 1991-kii!”. Wuxuu ku celceliyey in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisaba eey ku fashilmeen wixii loodoortey.Wuxuu isla mudaxay in uu yiraahdo “Dadka sharafta leh” marka eey fashilmaan weey iscasilaan, taasoo biyadhaceedu ahaa Xasan sheekh ma aha qof………!!!
Wuxuu sheegay “Madasha Wadatashiga Qaran” in aaneey sharci aheyn, oo eey boobeyso howshii Baarlamaanka, wuxuuse hadana siiraacsiiyey, waxaa Madashadaba keeney Nicolas Key iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Waa meesha Soomaalidu katiraahdo’e, hadalkiisaba wuxuu ahaa “Wixii xunba Xaawaa leh!”, ama waxkastoo xun Madaxweyne Xasan sheekh baa leh.
Nasiibdarro! Waxaan aad udhibsaday markii iyadoo eey agfadhiso Gudoomiyihii Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran: Marwo Xaliino Yareey, ayuu yiri: “Guddiga doorashooyinka, waa in uu ahaadaa GUDDI DHAB AH, dad MAGAC iyo MAAMUUSNA ummada kudhex leh! Eey hogaaminayaan!” Qadafkaa wax raaligalin ah kama aanu bixin! Wuxuu sidoo kale weerar ku asqeeyay Xildhibaanada qaranka, iyadoo sidoo kale Xildhibaan Ilkacase miiska lafadhiyo, oo wuxuu iyana yiri: “Xildhibaannada dhamaantood wax maqabtaan, waxkalena meesha uma joogaan in eey Mooshinno keenaan mooyaane!”, inkastoo markan uu gadaal iska qabtey, raaligalinna kabixiyey, isagoo sheegay in eey jiraan Xildhibaano farabadanoo wadaniyiin ah, oo aad uqiimo badan. Inbadanoo dalkooda ushaqeeynayeyna ladilay, oo naftooda kuwaayay.
Xildhibaan Ibraahim Suleeybaan Xaaji Nuur, wuxuu dhanka hadal aqoonta soo ag cariirsanayey marwo Xaliimo Yareey. Wuxuu isagana doodiisii ku yiri: Mushkilada Soomaalida heeysata ama heer gobol ha ahaato ama Federaalka’e, hogaamiyeyaasha sharci kuma dhaqmaan. Wuxuu sidoo kale sheegey in “Madasha Wadatashiga Qaran” aaneey sharci aheyn, oo Baarlamaanka xaqiisii lagu dhacayo, lana midyihiin Saxiixayaashii xilligii kumeelgaarka. Wuxuu intaa kudaray: “Iyadoo dhankaas Madaxdii inaga riixeeyso, ayaa dhankii shacabkana iska keen caaynayaan, innagoo ah kuwa kaliya ee dhibka ummada kahadla”.Wuxuu yiri “Ogaada Minnesota waxeey ka mid tahay meelaha Soomaaliya laga dumiyo”. Dhanka dowladana wuxuu ka yiri: “Villa Soomaaliya laga soobilaabo 2012-kii illaa maanta, waxa kaliya eey ku mashquulsaneyd waa sidii eey kusoo noqon lahaayeen 2016-ka”. Wuxuu sidoo kale yiri: “Hadaan Madaxweyne Col.C/Llaahi Yuusuf jirin dowladnimo majirteen, oo Col.C/llahi Yusuf dowladnimo ayuu doonayey, hadda kahorna Gen.Gabre buu kadiidey in Caasimada laburburiyo, halka Madaxweynihii kan hadda jooa ka xoreeyey [Sh.Shariif Sh. Axmed] uu Itoobiya ka ogolaaday in 30,000 oo ciidamo ah utababareeyso, balse shardiga kuxirani yahay, in eey 30-sano kawada yaraadaan, si eey unoqdaan kuwa aan taariikhda waxba kala socon. Aad baan ula yaabay ereyadaa, dabcan waan garanayey in qabyaalad aanu sidaa Col.C/llahi Yusuf ugu jadbeeysneyn, illeyn Puntland kamasoojeedo’e, balse malaha dadbuu kukasbo islahaa, illeyn Col.C/llaahi Yuusuf taariikh ummadu wada taqaan buuleeyahay’e. Xasuuqii uu kageeystey Xamar iyo Xamar-Daye 2004-2008-dii waa wax lawada ogyahay. Isagaa usabab ahaa in Caasimada dhulka ladhigo oo laburburiyo, boqolaal kun laxasuuqo, kumanaan labarakiciyo, dumar taro badan lawada kufsado, iyo in ciidamada Itoobiya markii ugu horeeyey ay xiibta Liido tagaan, dagaanna Wasaaradii Gaashaandhigga Soomaaliya. Si aad u ogaato dhibka baaxada weyn ee dowladii Col.Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiyaankiisii uu Taangigooda saarnaa, waxaa kaaga filan qoraagii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdulqaadir Aroma (AUN), wuxuu buugiisii caanka ahaa ee “Taangiga Tigreega”, soonabaxay sanadkii 2008-dii, bogagiisa hore ee X & XI wuxuu ku yiri ereyadan: “Shacab lagu qiyaasay labaatan kun ayaa laxasuuqay, laba milyan oo qofna waa la barakiciyey, 592 haween ahna waa la faraxumeeyey, hanti laba bilyan oo dollar lagu qiyaasayna waa la burburiyey, ama waa la bililiqeeystay. Goobihii waxbarashada & caafimaadka 80% waa xirmeen. Sidoo kale 84 Masjid waa xirmeen oo qaar baa rug ciidan laga dhitey……..”
Dabcan marka lagasoo tago huuhaada dadka qaar, Col.C/Llaahi Yuusuf wuxuu ahaa shaqsigii ugu horeeyey ee Itoobiya ugacan galay, oo eey kushaqeeysatay. Waa shaqsigii jabhad qabiileedkii (SSDF) ugu horeeyey Soomaaliya ku abuuray, ee sida isaga afkiisaba uu kaqirtey doorashadii Mbagathi, xabadan ummada Soomaaliyeed gallaafatey bilaabeyba. Intaa kufilan.
Daahir Mire Jibriil isaga wuxuu ahaa shaqsigii dooda ugu dambeeyey, meesha dadka kale qaarna Ipads wateen, qaarna waraaqo iyo notebooks eey wax kusoo diyaarsadeen wateen, isaga midkoodna mawadan, goobta markuu tagayna hadalka aad buu uraadraadinayey, gani ahaanba madiyaarsaneyn, balse sida aan hadalkiisa kafahmey wuxuu sifiican usoo dhageeystey oraahda siyaasiyiinta gobolka uu kasoo jeedo qaarkood. Nasiibdarro! Wuxuu uhadlayey sidii nin dad kasoo wada jeeda deegaankiisa, qol ugu dhex qudbeeynaya.
Doodiisa marka lasoo koobo, waxeey u ekeyd in Faroole iyo Cabdiweli Gaas ka dhex hadlayeen. Waxyaabihii uu yiri waxaa ka mid ahaa, hadalkii Faroole oo kale, ee ahaa “Dowlada Muqdisho kuma shaqeyn karto, sidaa daraadeed Caasimada waa in Muqdisho laga badalaa, oo loo badalaa magaalo yaroo amnigeeda la sugi karo!”, malaha magaaladaa Garowe buu ulajeeday, ee afka buu kadhowranayey, balse waxaa si kaftan macaan ah ugu jawaabtey, iyadoo dadka kawada qoslisey Marwo Xaliimo Yareey, oo Tiri “Walaaloow ma waxaad rabtaa in aad ina geeyso magaalo hal baabuur hadii walxaha qarxa lagasoo buuxiyo, iyadoo dhan dhul wada galeeyso!”, oo ka dhigneyd tuulooyinka 91-dii wixii kadambeeyey aasaasmey, Muqdisho lama tartansiinkareeyside inaga fariiso. Waxeey ugusii dartey “In Muqdisho lagu shaqeynn karo isagaba wuu ogyahay, oo xafiiskeeyga Villa Soomaaliya ku dhexyaalla, oo aan ku shaqeeyo wuu soo arkey”. Waxaa sidoo kale jawaab kabixiyey arintaa Xildhibaan Ibraahim Suleeybaan Xaaji Nuur, oo isna yiri: “Muqdisho waxa Caasimad ka dhigay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, Afti dadweyne beey caasimad kutahay, hadii laga badalayana Afti dadweyne weey ubaahan tahay, balse marka maqaamka Muqdisho laga hadlayo, waxaa laga wadaa meel qofkasta oo Soomaali ah lagasoo doorankaro, ee halaga badalo ma aha!”. Wuxuu sii raaciyey, “Sida aan maanta Garowe la iiga soodooran karin, baan Muqdishana la iiga soodooran Karin!”. Hadalkaa nuxurkiisa wuxuu ahaa: Muqdisho shalayna beel gaar ah Caasimad kama aaneey dhigin, hadana beel gaar ah sida eey rabtaba ha ubuuqdee, kama badalikarto caasimadnimada, dabcan sida aan qormadeeydii ciwaankeedu ahaa: Muqdisho weey dulmantahay iyaduna isma oga cidina uma oga! shaki galinta maqaamka Caasimadda, waxaa dastuurka lagashadey sanadkii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Sh.Shariif iska seexday iyadoo markaas isbaheeysi beeleed ka koobnaa: Ra’isuwasaarihii xiligaa Cabdiweli Gaas, wasiirkii Dartuurka iyo Arimaha Federaalka ee xilligaa Xoosh Jibriil, iyo horjoogihii Maamul-Beeleedka Puntland ee xilligaa C/Raxmaan Faroole-oo dhamaantood Puntland kasoo wada jeeda- eey hagardaamadeeda sidii dastuurka loogu dari lahaa kashaqeeyeen.
Waxyaabaha kalee kasoo yeeray waxaa kamid ahaa hadalladii Cabdiweli Gaas, oo ahaa deeqaha caalamiga ah, iyo maalgashigaba waa in aaneey Muqdisho wada qaadane,Puntland iyo dowlada si siman uqeybsadaan-Malaha ummad kaloo waxqeybsi mudanba ma jirto!-, base inta dambe buu kabadaley oo yiri gobollada looqeeybiyaa. Wuxuu ku dheeraaday uhambalyeynta Puntland iyo sida eey Puntland dharbaaxada ugu dhufatey Al-Shabaab, waloow xaliimo yareeyba meel dhexe hadalkeeda ku sheegtey in gobollada dhexee Mudug iyo Galgaduudba “GALMUDUG” shacabka iyo maamulkooda oo iskaashanayaba eey Al-Shabaab meel iska saareen, oo Al-Shabaab ugali weysey, balse cidi ma sheegsheegto, oo ma buunbuuniso, beey tiri.
Mar uu Dastuurka dalka ka hadlayey wuxuu sheegey in eey tahay in lagu dhaqmo waloowbuu yiri: “Puntland qabto in wax badan laga badalay, sidaa daraadeedna tahay in lagu dhaqmaa midkii aan waxba laga badalin!”. Sida ka muuqata hadalkiisa ma ictiraafsanaba Guddiga Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista dastuurka.
Dabcan sida laga filankaro ugu dambeyn sida Puntland-ba udiidey ayuu yiri 4.5 waa in meesha laga saaro, oo deegaan wax lagu doorto. Wabillaahi Towfiiq.
“Run sheeg, waa ceeb sheeg!”
.
.
.
Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka
iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa.
Al-Madinah International University Abdulkadirphd@hotmail.com
Minnesota, USA.
________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________