Muqdisho | QOL | March 29, 2016 – Waxa ka soconaya Qaarada Latin America Lugta hore ee isreebreebka Koobka Aduunka 2018 ka dhacaya Dalak Ruushka, waxaana isreeb reebka 10 dal ee Qaradaasi oo soon bilowday 8 Oktoobar 2015 uu guda galay meertadiisii 6.
Xulka Ecuador ayaa ku hogaaminaya 13 dhibcood xaga kala sareynta Dhibcaha 5tii kulan ee la ciyaaray waxaana ku xiga Urugway oo leh 10 dhibcood.
Kulamada isreebreebka Koobka Aduunka 2018 ee Wadamada Latin America ayaa guda Galaya usbuucaan Meertadiisii 6 waxana Xulalku ay isku arki doonaan sidata.
29-3-2016 Colombia vs Ecuador
30-3-2016 Argentina vs Bolivia
Urugway vs Peru
Vanezuela vs Chile
Paraguay vs Brazil
Xidigaha Kooxda Barcelona ee loogu yeero 3 MSN ayaa kala wajihi doona usbuucaan Xulalka 10 Messi- Bolivia.9 Suwarez – Peru iyo 11 Neymar Paraguay la arki donee Natijada ay kala kulmaan 3 MSN ee Barcelona Wadamada Bolivia,Peru iyo Paraguay.
.
Waxaa Diyaariyay.
.
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
_______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________