Muqdisho,22 March 2016: Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
R/wasaaraha ayaa la kulmi doona Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka, isagoo kala hadlaya Arrimaha shirka Maamul u sameynta dadka Dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baladweyn ayaa ku soo dhaweyay Wafdiga R/wasaaraha.
Kulankaa ayaa la ogeeyn wax ka soo bixi-doono in kastoo ay rajo jirto. Arrinta Hiiraan iyo Sh/dhaxe waxa ay noqotay mid dheeraatay oo an weli xal la gaarin.
—————————————–
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________