Muqdisho,16 March 2016: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada ay ku dadaaleyso sidii loo qancin lahaa beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Cabdiraxmaan Odawaa, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu magaalada Beledweyne kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furmay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka ayaa sheegay in wixii horay ay u qoreen aysan ahayn waxyi waajib ah oo aan waxba laga bedeli karin laakiin ay doonayaan inay xilligaan isbedel ku sameeyaan arrimaha qoondada iyo ergooyinka. Hadalkaani ayaa imaanaya xilli waxgaradka gobolka Hiiraan qaadeceen kulaabashada Jowhar iyo inay ka qaybgalaan shirka maamul u smaaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaas oo weli la dhaqaaji la’ayahay.
—————————————–
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________