4902 Views

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirki Midowga Afrika

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirki Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 31 January, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Madaxda Midowga Afrika u sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatey horumar la taaban karo ee dhinaca siyaasadda iyo dib u heshiisiinta, dalkana ay sannadkana ka dhacayaan doorashooyin markii ugu horeysay muddo haatan laga joogo 47 sanno.

Khudbad uu ka jeediyay Madaxweynaha Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayuu ku sheegay in guulaha ay Soomaaliya ku tallaabsatey ay ka dhasheen biseylka Soomaalida eek u aaddan inay waddankooda dib u dhistaan, kana xoroobaan colaadaha iyo kala qeybsanaanta.

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa beesha caalamka oo gacan muuqata ka geysatey in Soomaaliya ay ka soo gudubto xilliyadii adkaa. Ciidammada AMISOM ayaan si gaar ah u xusaya doorka ay ka qaateen taageerada Soomaaliya, iyadoo ciidan isugu jira rag iyo dumar kana tirsan AMISOM ay naftooda u hureen sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa. Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan dalalka ay ciidammada kaga dhinteen Soomaaliya, gaar ahaan dhacdadii xanuunka badneyn ee loo geystey ciidanka Kenya oo dalkeena u jooga inay na gacan qabtaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa, waxaa uu beesha caalamka kaga codsadey inay taageero ka geystaan sidii looga mira dhalin lahaa doorashooyinka sannadkan la filayo inay qabsoomaan, oo uu sheegay inay calaamad wanaagsan u noqon doonaan hirgelinta hannaanka dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusey inuu hubo in argagixisada falalka aadminimada ka baxsan ka fulinaya Soomaaliya iyo dalalka deriska ah laga adkaan doono, dalalka gobolka iyo caalamkana laga doonayo inay dagaalkaasi u midoobaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu madaxda Midowga Afrika uga warbixiyey qaraarkii shaley ka soo baxay Shir Madaxeedkii gaarka ahaa ee madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada sida deg-degga u hawlgala ay ku yeesheen Addis Ababa, kaas oo ay kaga hadlayeen xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Shirki shaley dhacay ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana lagu taageeray dadaalka Midowga Afrika ee xal u helista colaadda Burundi ka jirta iyo in dowladda magaalada Bujumbura lagu taageero sidii ay nabad iyo xasilooni dalka ugu soo dabbaali lahayd, taas oo dan u ah Shacbiga Reer Burundi.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment