Muqdisho, 14 January 2016: Gudoomiyaha Baarlaamka Soomaaliyaa Prof. Max’ed Sheekh Cusman Jawaari, ayaa inta uu Kismaayo joogay waxa uu afkiisa ka dhowray, kana ilaaliyay inay ka soo baxdo magac Madaxweyne inuu ugu yeero madaxweynaha Jubbaland xiliyada uu saxaafadda la hadlayay, wuxuuna badalkeeda isticmaalay erayga “mudane” si u saantirto.
Gudoomiye Jawaari oo la ogaa in uu hormuud u ahaa shaqsiyaadkii ku kacay maamulka Jubbaland markii la dhisaayay,waxa uuna markii ugu horaysay cagta soo saaray Kismaayo isaga oo wali ka muuqdaan diidsiin inuu Madaxweynaha dawladda goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ugu yeero madaxweyne.
Tan kale, Jawaari waxa uu madaxweyne ugu yeeraa madaxda kale ee maamul goboleedyada sida, Dr. Gaas, Shariif Sh. Aadan iyo Cabdikariim Guuleed oo asaga la ogyahay in maamulkiisu uu yahay gobol iyo bar uu ka hor-imaanayo dastuurka ahaydna in Jawaari arrintaas uu wax ka qabto.
Ugu danbeyntii Gudoomiye Jawaari ayaa ka mid ahaa dadkii taageersanaa maamulka lixda Gobol isla markaana waxa uu ka horjeeday in xil M/weynenimo Axmed Madoobe loo dhiibo.
.
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________