Muqdisho, 06 January 2016: Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta laga yaabaa in uu tago magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, iyadoo qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ay ka socoto. Booqashada Axmed Madoobe oo ah mid gaaban ayaa la sheegay in uu oofinaayo i balan qaad uu horay Maamulka Galmudug uga balan qaaday inuu soo booqan doono. Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kula kulmo Cadaado C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah. Mas’uul ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay inay u diyaar garoobeen soo dhoweynta Madaxweynaha Jubbaland. Mudane Madoobe ayaa bilo ka hor ka mid ahaa mas’uuliyiintii waan waanta u tagay Gaalkacyo ee ku guuleystay inay heshiis kala dhex dhigaan Puntland iyo Galmudug. Axmad Madoobe isla maanta kaga gudbi doona Cadaado dhinaca Puntland, halkaasoo uu kaga qeyb geli doono furitaanka garoonka diyaaradaha Boosaaso oo beryahaan dad badan ay ku sii sicdeen ayada oo qarkood an la casumin. Furitaanka ayaa waxa kale oo ku lifaaqan sanad-guurada labaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas. —————————————– Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________