In laysku doorto deegaan iyo 4.5 keeba dadka dan u ah. |
Muqdisho | December 25, 2015 – Markii laga baxay Kumeel-gaarkii, ayaa waxaa looga fadhiyay dowladda la doortay, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud, kana mid ahaa, qodobadii ugu muhiimsanaa, in in ay sameeyo Tiro-koob iyo diiwaangelin guud oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed lagu caddeynayo cadadkooda iyo tiradooda miyi iyo magaalo, si loo gaaro doorosho Qof iyo cod ah, oo looga gudbo Saami-qeybsiga ku dhisan qabiilka(4.5) ama beelaysiga.
Arrintani way dhici wayday duruuufaha dalka ka jira owgood, waxaana sabab u ahaa, deegaamada qaarkood oo aan ku jirin gacanta dowladda, iyo deegaamada qaarkood oo aan diyaar u ahayn iney hawshaasi qabsoonto.
Haddaba waxaa Xilligaan fagaaraha wada-tashiga yaala laba talo oo iska soo horjeeda, labadaa arrin ayaa ku salaysan mid deegaan iyo awood qeybsiga beelaha ee 4.5 in wax lagu qeybsado.
Arrintan anigoon ku sii tiigaalin, oo waqti badan isaga dhuminayn, waa waaqtca iyo waciyga maanta horteena yaal iyo marxalada siyaasadeed ee dalku marayo guud ahaana way ka dharagsanahay, balse, waxaan isku dayi doonaan inaan qaadaa dhigno Dooda Deegaanka.
TAARIIKHDA NIDAAMKA 4.5
Saami-qeybsiga Beelaha, ee ku dhisan 4.5, ma jirin waxii ka ka horreeyay Shirkii Carta 1999, Balse waxii waqtigaas ka horeeyay shirarka matalaadada, ergooyinka lagu qeybasn jiray magacyo Ururo(Jabhado), Saas oo ay tahayna, ma jirin damac in wax lagu qeybsado Saaami-Qabiiil ama Deegaan, xitaa dheela-tirnaanta Qabiilada looma fiirin jirin awood-qeybsiga Beelaha.
Tusaale: Shirkii Qaahira, ee loo qabtay Jabhadihii Qabqablayaasha, waxaa la go’aamiyay in USC-SSA la siiyo madaxweyne( Cali Mahdi) halka isla USC-SNA la siiyay Ra’isul-wasare( X.Caydiiid). Heshiiskaas isfahanka waxaa lagu kala saxiixday madasha shirka Qaahira, oo ay raali ka ahaayeen Beesha calaamka. waxaana loo arkayay in labadaas urur ay yihiin caqabbada kaliya ee hortaagan Dhismaha dowlad qaran,inkastoo natiijadii Shirka ay ku gacan sayreen kana biyo diideen qaar ka mid ah Jabhada sida SSDF Garabkii Cabdulahi Yusuf, laakiin shirkaas iskiiis ayuuba isaga burburay, oo waxba kama suuragelin heshiisyadii lagu gaarey.
SHIRKII CARTA IYO NIDAAMKA 4.5:
Si ka duwan Shirarkii loo qaban jiray Kooxaha( Jabhada) Soomaalida ayaa Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele wuxuu beesha calaamka ka-dhaadhiciyay in mudnaanta Shirka Carta la siiyo Odayaasha dhaqanka,Ganacsatada, Culimada iyo Ururada Bulshada. saas oo ay tahayne Ururadii Jabhadaha intooda oggolaatay waxay uga qaybgaleen shirka matalaaada Beelahooda., inkastoo inbadan oo ururadaasi ka mid ahna ay shirka qaadaceen. Madasha Shirki Soomaalida CARTA, waxaa lagu soo bandhigay Laba soo jeedin, oo kala ahaa:
1.In Xilibaanda lagu qeybsado Deegaan
2.In lagu qeysado qabiil{( saami isla eg (4.5.)}
Doodan danbe, waxay ahayd in xukuumadii kacaanka loo riday ineey sadburisi iyo caddalaad daro ku magacawday Dagmooyin iyo Gobollo, xaqirtayna Degaano iyo Gobollo kale, sida darteedna aan la ictimaadi karin dagmooyinkii 91ka, inta laga sameeynaayo tiro koob caddaalad ah. Doodaada waa la isla garawsday waxaana la qaatay nidaamka 4.5. waxaa xusid mudan in 4.5-ka ay soomaalida go’aansadeen, ee uusan shuqul ku lahayn , Madaxweynaha shirka marti geliyey iyo bulshada caalamka midna, ee uu ahaa Aragti iyo fekrad ka timid bulshada Soomaaliyeed.
PUNTLAND IYO NIDAAMKA 4.5
Maamulka Gobollada Bari (Puntland) oo ah qolada u u gucleynaysa in lagu soo xullo Baalamaanka hab deegaan, ayaa ah maamul dhisan muddo 17 sano, illaa haddana xillibaanada iyo madaxda ku dhista Saami-qeybsiga Beelaha. waxa haddaba isweydiin mudan sababta aysan u suuragelin inay iyagu isku soo xushaan degmooyin iyo axsaab reer PUNTLAND si ay gudbaan awood qebysiga Beelaha una gudbaaan Deegaaan!?
Markaan sidaa leeyahay, Gobollada waqooyi(Somaliland) nidaamka xisbiyada badan iyo deegaan isku doorashadu waa ka hirgalay, iyadoo taas lafteedu aysanj ka maqnayn beelaysi iyo isgaashaanbuureysi beeleed, haddana waa mid ka duwan kan Puntland wax ku xulato, ee Madaxweyne iyo Baarlamaan iyo gole wasiirba wax ku qaybsato.
Waxaa xusid mudan, in xiligii FAROOLE la isku dayay in dagmooyin wax lagu qaybsan karo iyo in kale, markaas beey Qabaa’ilka qaarkiis ka biyo diideen, iyagoo ku doodaya inaaneey Dagmooyinka xukuumadii Siyaad “Xalaal ahayn” oo ay jiraan magaaloyin ka weyn sida Ofeyn,Carmo,Dangoronyo,Bacadweyn, Buursaalax iyo kuwo kale, isjiid-jiid kadib aya la-iska daayay illaa inta TIRO-KOOB XALAAL ah uu dhacayo, in beelaha wax lagu qaybsado, haddaba xaalku saw maaha_ “ la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan” Puntland tijaabo ay iyaduba ku fashilantey miyey rabtaa iney guud ahaan bulshada Soomaaliyeed wax ugu qaybsiyo? Bal Adba?
Ogoow nidaamka Federaalka Bulshadeenu ma cugan maba dooran sida nidaamka 4.5 balse waa mid guudka nalooga yeeriyey, ilaa haddana aysan bulshadu badankeedu ku qanacsanayn, waxaa taas kaaga marag ah, hab dhismeedka gobollada ee beelaysan oo aan ka turjumeyn nidaam Federaal sax ah.
CILLADAHA DAGMOOYIN-KU-SHEEGA RAJIIMKII HORE:
Caddaalad darradii kaligiii-taliye M.Siyaad Bare, waxaa ka mid ah inuu Gobollo, degmooyin iyo tuulooyin aan mug busho iyo mid dhaqaala midna aan lahayn uu ka dhigay Dagmooyin iyo Gobollo, halka magooolooyin waaweyna uu lugta dul-saaray, una diiday inuu dagmo ama Gobol ka dhigo, si looo dhaho reerkiiisa ayaa ugu dagmooyin badan dalka. Bal aan soo bandhigno Dagmooyinka tuulooyinka ah, ee qaarkooda iminkadaan u muuqdaa tuulooyin iskaba daa xiligiii Siyad Bare:
Eyl,Qandala,Caluula, Isku-shuban, Benderbeyla,Xudun, Taleex,Laasqoray, Badhaadhe, Xagar, Buurdhuubo IQB.
Dhammaantood waa dagmooyinkii 91ki, oo la leeyahay matalaaad beey yeelanayaan, iyadoo ay jiraan dagmooyin ama magaaalooyin u dhigama ama ka-mugweyn dad ahaan iyo dhaqaalo ahaanba dagmooyinkaas, laakiin la leeyahay waa tuuloyin, matalaadna ma leh. waxaa ka mid ah Dagmooyinka ku dulmanaaan doona :
Xeraale, Guriceel, Bardaale, Ufuroow,Buulo-Mareer, Janaale, Gudinlabe,Wisil, Galhareeri,Buqaqable,Halgan,,Camaara,Sablaale, Galcad, Ruunnirgood, Raageceelle Bacaadweyn,Bandiiradleey,Masagawaay,Hoowsingoo, Beer, IQB.
Si kastooy ahaataba, Cilladaha Dagmo wax-ku qeybsi waxaan kusoo koobi karnaa:
Ineysan jirin rirakoob sax ah oo la sheegay in degmo walba ay ku muteysan karto degmonimo ama ku waayi karto, maadaama ay jirto tuulo ay ku noolyihiin in ka badan 100 kun oo qof, halka degmo magac leh ay ku nool yihiin iyada iyo tuulooyinkeeda 3000 dad tiro le’eg, haddaba degmada iyo tuulada xadigaa leh keebaa mudan in degmo loo aqoonsado?
Caddaalad darii looga orday 4.5 ayay ka sii xuntahay, waayo, degmooyinka ayaa la yiri saami-siman ayay wax ku qaadan, iyadoo la ogyahay inaaney tiro ahaan aney sinnneeyn, Tusaale: Hargaysa, oo ay in kabadan Hal-malyan ku noolyihiin miyaa ku saaami noqon korta Laasqoray. Caqliyada qaadan kartaa Baydhabo iyo Eyl waa isku saami waa teee? Gaalkacyo iyo Jariiban ma saxbaa in ay tiro siman qaataan.
Adduunka waxaa cod lagu helaa dadka ee maaha deegaanka, Gobol 9 jibaar ka weyn Gobol kale ayaa waxaa cod bata Gobolka yar, waxaana tusaale kuugu filan inaysan, Taleex iyo Af gooye isku dad ahayn, oo Afgooye ka dad badan yahay, Gobollada qaarkood.
Diyaarintii Caamir Muuse
Isku dubaridkii Ilyaas Salaad
W/Q Caamir Muuse
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________