Muqdisho | QOL | December 25, 2015 – Wixii ka dambeeyay shirkii wadatashiga Doorashada 2016 ee Muqdisho , waxaa hadaaq badan ka soo yeeraayay horboodayaasha beelaha Majeerteen, H/gidir iyo Abgaal oo lixdankii (60) sano ee la soo dhaafay shacabka soomaalida ku hor boodaayay, sed buursi iyo boob. Waxaad maqlee iyagoo leh haddii degmo wax lagu qeybsado beel hebel ayaa intaas kuraas helee.
Kaadiriinta Beelahaan iyagaa ka dambeeyay burburka ummadda Soomaaliyeed soo gaaray,: eexdooda, damacooda, boobkoda, sheex la’aantooda, aragti gaabnidooda iyo sedbuursigooda iimaan la’aanta ku dhisan, illaa ay gaareen in ay wadankii u soo horkacaan cadowgoodii si ay dabadhilif ugu noqdaan sedbuursina ku helaan.
Hadaba,Iyagoo wadankii ceel ku riday ayay weli u hanqaltaagayaan in wax kasta oo umadda Soomaaliyeed ka dhexeeya iyagu qaataan keligood inta kalana gacan bidixeeyaan.
Horboodayaasha Majeerteen waxa ka hormuuqda 50yadii markii ay Talyaaniga qaadunka u ahaayeen, markii qabiilooyinkii Soomaaliyeed dagaal kala hortageen. Talyaanigu markii uu u adkeysan waayay dagaalkii waxa uu goostay in uu wadanka isaga cararo.
Laakiin, intii uuna bixin ayuu waxa uu qabiilooyinka Soomaalida u kala qeyshay kuwo saaxiib ah (Friendly) isagoo ula jeeda kuwii raacay, iyo halka kuwii la daqaalamay uu ugu yeeray(unfriendly) cadow.
Markii Qaramada Midoobay ay u xilsaartay Talyaaniga in uu dowladnimo gaarsiiiyo inta uuna bixin. Horboodayaashii Majeerteen waxa utun ku noqotay bixitaanka Talyaani, sababtoo ah beelihii koonfurta waa fahmeen in uu Talyaani la shaqeeyo. ka dibna Abgaal ayuu xulufo la galay si uu koonfurta ugu negaado, isagoo Talyaaniga ka dhaadhiciyay in uu saaxiib fiican yahay kuna xiray Talyaani.
Talyaanigu si uu saaxibadiis xukunka ugu wareejiyo wax uu Majeerteen iyo Abgaal ku abaal mariyay in ceelkasta ee laba cariisha ku tiilay degmo looga dhigo si ay barlamaanka ay maajooriti uga noqdaan kadibna dowladda ula wareegaan. Labaadaan reer iyaga ayaana dowladdii musuqmaasuqa u xaaraan ku heystay, Soomaalida inteeda kale carafta xitaa waa laga dheereeyay, marka laga reebo H/gidir oo xoogaa leefleef ah soo gaareen, iyagoo mucaarad iyo muxaafid u kala jabay.
Waxaa kaloo degmooyin u sameeyay Maxamed Siyaad Barre isagoo ku qancinaaya beelahaan hunguriga ka kacay ee aan kor kusoo xusay si uu isaga jeediyo.
Waxa kuu soo harey horboodayaasha H/gidir oo kuwaas ka daba socda, waxa ay labaatankii sano ee la soo dhafay isku balaarisay koonfurta soomaaliya , iyadoo intii ay talinayeen wax kasta afka u dhigatay. Horboodayaashaan waxaa weli ka hormuuqtay sadbuursigii iyo biliqaddii iyadoo iska indha tireya in waxkasta bedeleen. Si ay wixii u helaana wax kasta waa u marayaan weli.
H/gidir marka Cadaado laga reebo inta kale degmooyinka ay sheeganayso waa soo baneysay waxa keliya ee ay kusoo dhaafeen waa habro iyo odayaal waayeel ah. Waxaa la yaableh in ay degmooyinkinkaas haawanaya ay Kuraas ku rabto. Waxaa kaloo la yaableh in ay Hodan, Howlwadaag iyo wardhiigley oo goof Murusade ah iyo xaafadda Buulo Jaan ee Marko ee saldhig Biyamaal ah ay kuraas ka rabaan iyana!
Waxaa la yaableh in maanta oo dadka soomaaliyeed ilbax yihiin adduunka dhanna uu tuulo noqday, in qayaano horay loogu dhacay la doono in lagu soo celiyo.
Deegaan wax ha lagu Qeybsado ku lahaa!
Wadanka mareykanka Gobolka New Jersey 8 deed jeer ayuu ka yaryahay gobolka North Dakota. Dadka ku nool New Jersey waa 9 Million halka North Dakota million u ka yaryahay. New Jersey 16 kursi ayay aqalka Mareykanka ku leeyihiin meesha North Dakota ay 3 keli ah ku leedahay.
Waxaan la yaabanahay ma dhul weyni ayaa wax lagu qeybsadaa mise dad badni (population density).
Fiiri degmooyinkaan: Eyl, Bender Beyla, Jariiban, Hobyo iyo Warshiikh. Midkasta 300 guri kama dhisna.
Fiiri Tuulooyinkaan aan xiisaabka ku jirin: Buulo Mareer, Janaale,Awdheegle, Xaramka, Raama Cadeey IWM.
Sawirada
Buulo mareer ayaa waxa ay ka dad iyo deeq badantahay afartaas degmo ee kuraasta loo raadinayo.
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ku yaal 240 tuulo oo 82 ka mida waa ka dad badanyihiin degmooyinka ay Puntuland sheeganayaaan. Sidoo kale gobolada Hiiraan, Bay , Bakool iyo jubooyinka ayaa tuulooyinka ku yaala ka dad iyo deeq badanyihiin haddii la barbar dhigo degmooyin beelahaas ay kuraasta ku rabaan. Waxaa kaloo jirta in aanay jirin degmo hal reer dego marka koonfurta Soomaaliya la yimaado, taasina ay qilaaf hor leh keeni karto.
Waxaa xaqiiqa ah in haddii tirokoob saxa laga sameeyo Soomaaliya in sedexdaan reer ee soomaliya ku hor gudban ay xitaa boqolkiiba labaatan heli doonin tirada guud ee dadka Soomaliyeed.
Dad badan ayaa qaba inta reerahaan siyaasada Soomaaliya ay ku gudbanyihiin, in aan marnaba Alshabaab laga adkaan Karin, reero badana ay baraxa iyo biyaha ka daba qaadi doonaan.
Waxaan kaloo la yaabanay horboodayaasha reeraha kale , maxaay meel uga soo wada jeesan waayeen horboodayaasha,xukunkana uga qaadan waayeen, illeen maanta kaaro UNISOM ayaa lagu wada hoos jiraaye.
.
Fiiro gaara:
Qabiilooyinka aan kor ku soo sheegay iyaga uma jeedo, ee waxaan u jeedaa siyaasiinta hor booda.
.
Hassan Ahmed Hohamed
Dal iyo Dad yaqaan Soomaaliyeed
____________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________